Wasiirka Madaxtooyada Oo Maanta Soo Bandhigey Gaadiid Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Madaxtooyada somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Madaxtooyada Oo Maanta Soo Bandhigey Gaadiid Cusub Oo Lagu Soo Kordhiyey Madaxtooyada somaliland
March 5, 2014 - Written by Editor:
ILLAAHAY waxa aanu ku mahadinaynaa inuu inoo suuro geliyey Dawlada uu hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ee inoo suurageliyey horumar balaadhan oo dalka ka socda,

HARGEISA(WAJAALENEWS);Horumarka ayey tahay dhinacyo badan oo ay dawladu ku talaabsatay in la dhiso horumarka la taaban karo ee Investigation ka, Waddooyinka, Dekedaha, Madaarada, Guryaha Dawlada ama Xafiisyada Dawlada, Wasaaraddaha iyo waxyaabaha la midka ah.

mootoyinkaIMG_0051

sidoo kale iyada oo ah xaga shuruucda iyo Policy  and Procedures oo ay dawladu in badan wax ka qabatay, sidoo kale iyada oo nidaamka iyo Protocol-ka iyo habsami u socodka dawladinimada gacanta lagu hayo ayey tani qayb ka mida tahay in motooyinkii, maamuuska madaxweynaha ee xaga hore iyo xaga danbeba ka raacayey Baabuurta Madaxweynaha la soo iibiyey oo ciidamadiina lagu tababarayo.

 

Dhinaca kale wasiirka ayaa ka hadlay saddex dhalinyaro ka mida shaqaalaha madaxtooyada Somaliland oo Yurub loo diray maanta oo la soo baridoono tababar la xidhiidha, Tababarka Habmaamuuska iyo Dawladnimada kaasi oo ay ku maqnaan doonaan muddo saddex todobaad ah, waana dawladnimadeena oo aynu doonayno in aynu korinno oo aynu dhinacwalba ka korinno oo ka dhisno, haday tahay dhanka System ka iyo haday tahay xaga mabmaamuuska iyo Nidaamka Dawladnimada, iyo haday tahay dhinaca dhaqaalaha iyo horumarka iyo haday tahay waxyaalaha la taaban karo ee ay ka mid ka yihiin  Investigation-ka  ee ay ka mid ka yihiin waxyaalaha badan ee ay dawladu ku talaabsatay oo runtii, haday xag nabadgelyo, xag ciidan, iyo xag dhismeba ay tahay  aad loo horumariyey ayaa waxa aan maanta soo bandhigaynaa  Gaadiidkan insha allaah waxay iyaga oo Practical ah ay ka ag-muqan doonaan madaxweynaha iyo la socodkiisa iyo habsami u socodka dawladnimo ayey insha allaa ka muuqan doonaan.

aad iyo aad ayaan illaahay ugu mahadinayaa intii nagala shaqaysayna uga mahadcelinayaa.

Bulashada Somalilandna aan leeyahay waa dawladeena oo aynu korinayno maalinba shay ku darayno, markaa taasanu insha allaahu Tacala ku soo bandhigaynaa madaxtooyada.

shalay siday u eekayd iyo maanta siday u eegtahay waad dareemi kartaan faraqa u dhexeeya waana intaas oo loogala sii dhawaadaa hadanu inagu tacabkeena iyo xoogeena, maskaxdeena iyo muruqeena gelino kuna kalsonaano waxaynu gaadhi doonaa maalin aynaan cidna u baahnayn illaahay mooye.

waad mahadsan tihiin.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS