Wasiirka-Macadanta-Oo-Dalka-Ku-Soo-Laabtay-Tafaasiilna-Ka-Bixiyey Ujeedada Safarkooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka-Macadanta-Oo-Dalka-Ku-Soo-Laabtay-Tafaasiilna-Ka-Bixiyey Ujeedada Safarkooda
March 19, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaarada Macdanta Iyo Tamarta oo ay weheliyaan  Wasiir Ku-Xigeenka  iyo Agaasimaha Macdanta ee Wasaarada ay maanta dalka dib ugu soo laabteen ka dib markii ay socdaalo mudooyinkii danbe ay ku joogeen dalka China.waxaana ay sheegeen inay dalka china ay ku tageen marti qaad ay ka heleen shirkad baadhidoonta macdanta ku jirta  dalka oo dhawaan ay heshiis is afgarada ay ku galeen dalka,waxaana ay daboolka ka qaadeen in shirkadaasi ay u balan qaaday inay oo finayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ay u baadhayso.

Shir Jaraa’id o oay ku qabteen qolka nasashada ee madaarka Hargaysa ayaa waxaa ay ugu horayn  ay ka warameen u jeedada socdaalkooda

“..Muda todobaada ayaan dalkaa ku maqnayn ,socdaalkanina waxaa uu ahaa socdaalkii ugu horeeyey ee ay wasaaradu ay ku tagto dalka shiinaha,waxaana socdaalkan igu wahelinaayey wasiir ku xiigeenka wasaarada iyo agaasimaha macdanta muhiimada uu socdaalkani xambaar sanaa ayaa sababay inaan sadexdayadani aanu israacno waxaana uu ahaa socdaal taariikhiya oo markuu ugu horaysay ay wasaarada macdanta iy tamartu ay ku tagto shaqo qaran dalka shiinaha,taasi oo aanu marti qaad rasmi ah aanu ka helnay shirkada dhawaan dalka noogu timi oo doonaysay inay dalka iskaashi iyo wax wada qabsi ay lagasho ..”Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo Tamartas

Wasiirka Wasiirka Wasaarada Macdanta iyo tamarta somaliland Xuseen Cabdi Ducaale isaga oo hadalkiisa sii Wata waxaa uu  yidhi

“..Waxaa noo hirgashay in shirkadii dhawaan halkan noogu timi anay oofinayso macdantii ay dalka ka baadhaysay,macdan baadhkaasi oo isaguna dhawr waji yeelanaya oo noqonaya macdanta lagu baadhayo qabar sanaaciga ama layidhaahdo( remote sensing of mineral investigation) oo yada oo qabar sanaciyada injiino uu leeyahay iyaga oo adeegsanaya inoogu badhaya dalkeenu inta uu leegayahay o o dhanba ee macdanta khayraadka dhulkeena ku kala jira ,een waxa ay kala yihiin,meelaha ay ku kala jiraan intaa ka dibna waxaa ay keeni doonaan injineero ku waasi oo baadhitaanka halkaa ka sii wadi doona ..”.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS