|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Sheegay Inaanay Wax Khilaaf Ahi Dhexyaalin Wasaarada Maaliyada Iyo Baanka Somaliland
March 25, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(WAJAALENEWS;Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in uu khilaaf u dhaxeeyo Wasaarada Maaliyada iyo baanka.Waxa uu xusay labada hay’adoodu ay yihiin kuwo isku shaqo u qabta qaranka, isla markaana aanay jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex geli karaa. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa, waxaanu yidhi “Bangiga Somaliland iyo wasaarada maaliyadu waa isku shaqo waana laba halbawle u ah dhaqaalaha wadanka Somaliland lagamana yaabo In ay wax isla diidan. Wax khilaaf ah oo dhex yalaa Wasaarada Maaliyada iyo Baanka Somaliland ma jirto kolay shaqo ayaa dhex taal oo culays ayaa jira shaqada dhexdeeda ah waxa ay warbaahintu maalmo dhawayd shegayeen in lacagtii bangia lagu xerayn jiray ay wasaarada maaliyadu haysato waxaasi waxba kama jiraan. Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdi Casiis Maxamed Samaale oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi raaciyey “Kolay ayaamahan waxa kor u kacay sarifka lacagaha taasna waxaanu ka wada hawl galnay anag oo ah wasaarada maaliyada iyo baan kaba waxaana usoo dhigan hoos waliba waanu wadi doonaa ilaa inta uu kusoo noqonayo halkisii caadi ahayd arimaha ubadan ee sixir bararka waxa saamaynta badan ku leh bangiga anaga oo ah wasaarada maaliyaduna aad ayaanu ugala shaqaynaa dollarka haduu kacana waxa uu saamayn way ku yeshaa qaranka oo dhan waxa Isfahan waaya oo wasaarada maaliyada iyo bangiga u dhaxeeya ma jiraan. Dhinac kale waxa uu wasiirku ku hadlay waxa ii u qabsomay sanadkii 2013ka oo uu sheegay in ay wasaarada maaliyada somaliland iyo dawlada dhexe oo iskaashanay ay dhiseen wadaooyin aad ubadan kuwaas oo ah halbolaha caasimada somaliland iyo haday noqotaba gobolada dalka. Waxa uu xusay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland in ay wax badan u qabsoomeen, kuwo kalena u hadheen, balse ay ka go’an tahay sidii uu u dhamaystiri lahaa waxyaabaha ka qabyada ah, waxaanu yidhi “Miisaaniyada 2013 sidii aanu ugu talo galnay ayey usoo baxday ee aanu ka sheegnay golaha wakiilada hortiisa waxii mashariic ah ee ay qabatay wasaarada maaliyadu badankoodu Iyana way hir galeen lakiin kolay waxa ladoono qaar Ayaan hadan hir galin,lakiin qalabkii wadooyinka kuwii beeraha kuwii kaluumaysiga waxa way dhamaantooda wadanka soo gadheen bilihii udanbeeyey waana waxqabadka ay ku talaabsatay wasaarada maaliyada somaliland lana kaashanaysa hawl kasta wasaarada qorshaheeda leh oo waliba fulinaysa amarada madaxwaynaha jamuuriyada somaliland alaabahaas soo wada dagay dhamaan wasaarada maaliyadu waxa ay usamayse cashuur dhaaf qaarna waxa ay ka khafiifisay qaarna. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:DAAWO;Cali Khaliif oo Iclaamiyey Dagaal kuna Afgobaadsadey inuu S/land la geli Doono iyo Arimo kale... “Tabashada Reer Awdal Meel Ma Fadhiisan Karto, Hadaan Dastuurka Jsl La Furin” Ex Gudoomiye Axmedyasi... DAAWO ; Maamulka Gobolka Gabiley Oo Hadhimo Sharafeed Kusoo Dhaweeyay Xulka Gobolka Awdal Ee ku Guul... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|