Wasiirka-Deegaanka-Somaliland-Oo-Sheegtay-In-Ay-Iyaga-Iyo-Wasaarada-Biyuhu-Ay-Wadaan-Qorshayaal cusub | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka-Deegaanka-Somaliland-Oo-Sheegtay-In-Ay-Iyaga-Iyo-Wasaarada-Biyuhu-Ay-Wadaan-Qorshayaal cusub
March 22, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Wasaarada Horumarinta Degaanka Somaliland Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay inay wadaan qorshe ku saabsan sidii aan Meelo biyo qabatin ah laysaga samaysan lahayn sida Barkaddaha, dhaamamka iyo wixii la mida iyadoonay ogayn Wasaaraddaha Degaanka iyo Biyuhu.
Wasiirka oo ka hadlaysay Xuska Maalinta Biyaha dunida Waxay sheegtay in Wasaaradda Degaanka iyo Wasaaradda biyuhu wada jir u ogaan doonaan goobaha laga hir galinayo Biyo qabatinada iyo tuulooyinka.
“ Baaq baanu soo saaraynaa annaga iyo wasaaradda Biyuhu kaasi oo ku saabsan, sidii aanu iskaga kaashan lahayn, inaan Cidi Ceel qodi Karin labadayada wasaaradood oo wada Og-mooyaane, inaan Cidi Barkad qodi Karin anagoo wada Og-mooyaane, inaan Cidi Riig meela ka taagi Karin anagoo wada Og mooyaane, Cidina Dhaam aanan ogayn samayn Karin, Tuulo aan la samayn Karin anagoo wada og-mooyaane, taasi oo iyaga iyo anagaba faa’iido noo ah.” Ayay tidhi Marwo Shukri .
Wasiiradda oo hadalkeeda sii wada ayaa sheegtay inay biyahu ay dhica kalena ay keenayaan nabaad guur ku yimaada degaanka, gaar ahaan Goobaha Biyaha kaydaya oo bata “ Waayo Xaaluf ayay intuba keenayaan, Biyihii inaga oo u baahan ayaan meelihii ku haboonaa aan laga samaynayn” ayay tidhi Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil, iyadoo intaasi raacisay in cida ugu baahida badan biyaha ay tahay Beeralayday oo kharash badana kaga baxo Mashiinada ay u isticmaalayaan waraabinta Beeraha oo shidaal badani kaga baxo.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA SOMALILAND
EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS