Wasiirka Daakhiliga Oo Amray In Dalka Laga Mastaafuriyo Hay’ad Dalka Ka Waday Fawaaxishka Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Hor-taagan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Daakhiliga Oo Amray In Dalka Laga Mastaafuriyo Hay’ad Dalka Ka Waday Fawaaxishka Iyo Taliyaha Laanta Socdaalka Oo Hor-taagan
March 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA (WAJAALENEWS);Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, Md Cali Maxamed Warancade, ayaa amar ku bixiyay, isla markaana ku war-geliyay Taliska ciidanka Booliska Somaliland iyo hay’adaha kale ee ay khusaysaba in dalka si deg-deg ah looga mastaafuriyo hay’ad isku sheegtay in ay dalka ka wado hawlo samo-fal oo isku magacawday Noolaynta Naruuradda Mustaqbalka (NNM), oo markii ugu horaysay si cad oo gabasho lahayn ugu soo duushay Islaanimadda Somaliland.

ducumentry 2
 
Sida ay noo xaqiijiyeen Illo wareedyo si weyn loogu kalsoonaan karo ayaa nasiib daro ku tilmaamay su aalo ay si weyn isu waydiinaayaan dhamaan qeybaha kala duwan ee shacbi weynaha Somaliland ka kooban yahay oo ku saabsan sababaha uu Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland, Maxamed Cali Yuusuf, uu u fulin

waayay go’aankii ay shacabka, iyo Culimadda Somaliland sida weyn u soo dhaweeyeen ee uu Wasiirku ka soo saaray in gebi ahaanba dalka si dhamaystiran looga mastaafuriyo madaxda iyo shaqaalaha hay’adan oo si rasmi ah labaabada loogu xidho xafiisyadii ay ku lahayd dalka.
 
Illo wareedyadani waxa ay intaa ku dareen in Wasiirka Daakhiliga ee Somaliland uu si weyn uga cadhooday dhaqan xumida fawaaxishka ah ee ku lidiga ah dhaqankeena suuban ee Islaanimada ah ee ay hay’adani ka waday Somaliland, taas oo uu wasiirku ku tilmaamay wax aan loo dul qaadin karin isaga oo amar buuxa ku bixiyay Wasiirku in dalkai deg-deg ah looga mastaafuriyo hay’addan xafiisyadeedana si rasmi loo xidho, sidaa daradeed, waxa cad in aan weli amarkii Wasiirku bixiyay aan la fulin oo ay weli ka sii sugan yihiin dalka Somaliland gaar ahaan caasimada Hargeysa.
Dadka sida weyn ula socda arrimahan ayaa ku doodaya in sababta loo fulin waayay amarka Wasiirku uu bixiyay uu sabab yahay, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland oo ku dooday in dalka uu ka saaray qaar ka mid ah gaaladii hay’addan ka hawl geli jiray oo aan loo baahnayn in shaqaalaheeda kale la mastaafuriyo iyo in xafiisyaddii ay hay’addani ku lahayd dalka si rasmi ah alabaabada loogu xidho, taas oo la sheegay in aanu Taliyuhu si dhamaystiran u wada fulin amarkii Wasiirka.
 
Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Taliyaha laanta socdaalka ee Somaliland waxa uu kaga jawaabayo eedaymahan loo soo jeediyay ayaanay noo suurta-gelin, balse waxa aanu ku dadaali doonaa saacadaha soo socda sidii ay noogu suurta-geli lahayd in aanu la xidhiidhno.
 
Si kastaba ha ahaatee, culimada diinta Islaamka ee masjidyada magaalada Hargeysa, io waxgaradka shacbi weynaha Somaliland ayaa oo markii u horaysay go’aanka Wasiirka ayaa ayaan daro iyo nasiib daro weyn ku tilmaamay sababta ay xukuumadda Somaliland si rasmi ah xiddida ugu saari weyday gebi ahaanba hawlihii dhaqan biiska ahaa ee bulshada sida weyn uga cadhaysiiyay ee ay hay’addani ka waday dalka Somaliland, waxaanay si ku taliyeen in loo bahaan yahay in si deg -deg oo dhamystiran loo xidho xafiisyadda iyo shaqaalaha hay’addan oo ay sheegeen in ay weli ka sii hawl galaan dalka.
 
Hay’addan oo isku magacawday Noolaynta Naruuradda Mustaqbalka (NNM), ayaa dalka Somaliland timi markii u horaysay sanadkii 2009-kii, iyada oo sheegaaaaanaysay in ay tahay hay’ad samo-fal oo ka shaqaysa caafimaadka iyo waxbarashada iyada oo si gaar ah u bar-timaameedsan jirtay haweenka iyo carruurta baahan, waxaana si cad oo waadix ah u soo shaac baxay dhaqamo fawaaxish ah oo ku lidi ah dhaqanka Islaamka oo ay hay’adani ka waday dalka iyada oo waday barnaamijyo ay ku kiristaamaynayso daka, waxaanay dadkani xuseen in hawlaha ay hay’adani ka waday dalka uu yahay weerarcad oo aan gabasho lahayn oo si qaawan markii u horaysay loogu soo qaaday Islaanimada Somaliland

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
COMMENTS
LINKS