|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Samaale Oo Shaaciyay In Hankiisa Murashaxnimo Uu U Dabo Fadhiyo Wakhtiga Madaxweyne Siilaanyo
March 25, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);Wasiirka Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa markii ugu horeysay Shaaciyey in uu Madaxtinimada dalka u dabo fadhiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).Waxa uu xusay in uu farsad siinayo madaxweynaha Somaliland, marka uu ka dhamaadana uu isu soo taagi doono jagada Madaxweynaha ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa. Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta ugu waramayay xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa, waxaanu yidhi “ “Aniga Iyo Walaalkay Muuse Biixi Cabdi wax xumaan ah oo naga dhaxeyaa ma jiraan guddoomiyaha xisbiga weyaan waan ku ixtiraamayaa xisbiga kulmiyana waxa uu leeyahay qodobo, qodobadaas ayaa la raacayaa xisbiga gudihiisana waxa ka dhexe jiri kara loolan waxaana fasaxaya dastuurka xisbiga lakiin waxa dhiba ah oo anaga iyo muuse biixi nagu saabsan oo ka dhexe jira xisbiga haba yaratee ma jirto oo hada ka dhextaagan xisbiga hada waxjiraana wax wanaagsan moyaane wax kale ma jiraan waxaanan jecelay inuu qabsoomo shirka xisbigu. Sidoo kale waxa uu sheegay wasiirku inuu madaxwaynaha somaliland Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo xaq uleeyaha inuu marlabaad isku soo taago doorshada madaxtinimada taasna waxa u fasaxaysa dastuurka somaliland waxaana uu yidhi. “xili walba salad joogta uunbaa la tukadaa maanta dalka waxa ka madaxwayne ah Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ah madaxwayne qaranka somaliland waxaana uu dastuurka somaliland siinayaa madaxwaynaha inuu isa soo sharaxo laba jeer walina muu dhamaan Teeramkisii kobaad ee uu sharcigu jideeyey xaqna waxa uu u leeyaha madaxwaynahu inuu isku soo taago talada dalka mar labaad haduu isagu awood weeyaan. Waxa uu wasiirku sheegay inuu damaciisa siyaasadeed yahay inuu talada dalka qabto kana noqdo madaxwayne waxaana uu yidhi. “madaxwaynaha somaliland marka uu Teeramkiisa labaad dhamaado am haakah yidhaah waxaan anigu diyaar u ahay inaan talada dalka qabto lakiin taas waxa ay ku xidhan tahay tartan Axsaab ah oo waliba xor ah waxaana jira saddex xisbiga oo kala ah xisbiga ucid xisbiga wadani iyo xisbiga talada dalka haya ee kulmiye lakiin maanta walaalkay Muuse Biixi oo aan Kula Tartamayey gudoomiyaha xisbiga kulmiye waan uga hadhay lakiin tartankaas socda ee shirwaynaha xisbiga kulmiye anigu waxaan farta utaagaya walaalka Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga kulmiye WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|