Wasiir Samaale Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Xishood La’aan Ku Tagay Degmada Tog-Wajaale Iyagoo Kormeer Ku soo Maray Cusbitaal Ay 6-bilood Ka Hor Dhagax Dhigeen, Iyo Dad-Waynaha Oo Ay Waji-Gabax Ku Noqotay arintaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Samaale Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Xishood La’aan Ku Tagay Degmada Tog-Wajaale Iyagoo Kormeer Ku soo Maray Cusbitaal Ay 6-bilood Ka Hor Dhagax Dhigeen, Iyo Dad-Waynaha Oo Ay Waji-Gabax Ku Noqotay arintaasi
March 3, 2014 - Written by Editor:

WAJAALE(WAJAALENEWS)- Waftigan Oo Ka Koobnaa Wasiirka Maliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale Iyo Wasiirka Warshadaha Mudane Abiib Diiriye Nuur iyo Qaar Ka Mida Xildhibanada Golaha Wakiilada Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Cusbitaal Ay Hore U Sheegeen In Loo Dhisayo Degmada Tog-wajaale Oo Aan Wali Dhismihiisa La Bilaabin . Dadwaynaha Reer Tog-Wajaale Ayaa Sheegay In Ay Aad Ula Yaabeen Booqashada Waftigan Iyadoon Laga Hayn Balan Qaadkii Dhagax-dhiga Ahaa Ee Ay 6-bilood Ka Hor Dhagax-Dhiigeen Dhismaha Cusbitaalka Magaalada Wajaalena Ay Aad Ugu Baahantahay Cusbitaal Maadaama Oo Aanay Wajaale Lahayn Wax Cusbitaal Ah . Waxayna Dadwaynuhu Tibaaxeen Inay Ceeb Ku Tahay In Ay Yimaadaan Wajaale Iyagoon Dhismihii Cusbitaalku Socon Ama Aan Dhamaystirnayan Isla Markaan Aanay Wasiiradu Garanaynba Sababta Ay U Yimaadeen . Mid Ka Mida Dad-Waynaha Reer Wajaale Oo Aanu Waydiiney Sida Uu U Arko Kormeerka Waftigan Ayaa Yidhi “ Anagu Hadaanu Nahay Dad-waynaha Reer Wajaale Maba Garanayno Waxan Ay Kor-meerayaan Wasiiradu Maadaama Oo Aan Wali La Bilaabinba Cusbitaalka Wasiiraduna Ay Sheegayaan In Ay U Yimaadeen Wajaale Kormeerka Cusbitaalka . Anuu Hadaan Ka Hadlo Shaqsiyadayda Waxaan U Arkaa In Ay Wasiiradu U Dalxiis Yimadeen Wajaale “ Waxa Sidaas Yidhi Mid Ka Mida Dadweyaha Reer Wajaale Oo Magiisa Ku Soo Koobay Mukhtaar Maxamed . Si Kastaba Ha Ahaatee Cusbitaalkan Ayaa Bishii August Ee Sanadkii La Soo Dhaafay Ay Si Wada Jir ah U Dhagax-Dhigeen Wasiirka Caafimaadka Mudane Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotosiy) , Wasiirka Maaliyada C/casiis Maxamed Samaale , Wasiirka Warshadaha Abiib Diiriye Iyo Qaar Ka Mida Xildhibaanada Golaha Wakiilada Ee Laga Soo Doortay Gobolka Gabiley . Waxaanay Dad-waynaha Reer Wajaale Ka Dhur-sugayaan Talaabada Tan Ku Xigta Ee Ay Qaadi Doonaan Wasiirada Iyo Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Gobolka Gabiley

 

WAJAALE OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS