Wasiir Madaxtooyada Oo Ka Warbixiyey Kulan Ay Maanta Yeesheen Gudida Somaliland U Qaabilsan Wadahadalka Somaliya Iyo Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Madaxtooyada Oo Ka Warbixiyey Kulan Ay Maanta Yeesheen Gudida Somaliland U Qaabilsan Wadahadalka Somaliya Iyo Somaliland
March 4, 2014 - Written by Editor:
-HARGEISA(Wajaalenews);Kulan kooban oo maanta xarunta wasaarada Arimaha Dibada ay ku yeesheen Guddida Somaliland u qaabilsan wada hadalka Somaliland iyo Somalia u socda ayaa sheegay in ay ka wada hadlayeen sidii ay ugu diyaar garoob i lahaayeen wada hadalada soo socda iyo sidii loo waajihi lahaa.
Kulankan oo albaabadu  u xidhnaayeen ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyey wasiirka wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xasan waxaana uu yidhi:“ Inaanu u sii diyaar garawno oo wax iska sii waydiino wada hadalada soo socda ayuunbay khusaysay oo shaqo maalin leh ah oo noo socotay ayay ahayd, markaa wuxuu wasiirka khaarajigu noogu yeedhay inaanu is waraysano dadka kale ee Reer Somaliland ahna wixii talo iyo tusaale ay hayaan aanu waydiino oo aanu la wadaagno”.
Wadada hadalada Somaliland iyo Somalia ee ku saabsan xidhiidhka labada dhinac ee mustaqbal ayaa wejigooda lixaad galaya, iyadoo dadka dhaliilaana ay sheegaan inaan wax natiijo ah laga gaadhin wejiyadii horea Maadaa aan si toosa wali looga wada hadal Qadiyada gooni isu taaga somaliland.
Dhinaca kale Wasiirka oo wax laga waydiiyey Heshiis dhawaan Somalia la saxeexatay Qaramada midoobay, oo la sheegay in qodobo ka mid ahi saamaynayaan Qaranimada Somaliland “ wixii heshiisyo ah ee lagu galo Muqdisho anaga nama khuseeyaan, waxaanu nahay dal madax banaan oo khayraadkiisa, maamulkiisa iyo siyaasadiisa u madax banaan ayaanu nahay. Duniduna way noo timaadaa waanu la macaamilaa”Ayuu Yidhi Wasiir Xirsi
Xukumadda Somalia ayaa dhawaan la saxeexatay heshiis wada shaqayneed Qaramada midoobay, kuwaasi oo ay ku jiraan qodobo Somaliland saamayn ku yeelan kara. Qaramada midoobay ayaa si guud ula macaamisha Somalia oo ay Somaliland ku jirto.
WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS