Wasiir Cabdi Waaxid Cabdi Qaadir Oo Noqday Siyaasiga Ugu Hadalka Wanaagsan Gollaha Wasiiradda Somaliland Waa Maxay Sababtu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Cabdi Waaxid Cabdi Qaadir Oo Noqday Siyaasiga Ugu Hadalka Wanaagsan Gollaha Wasiiradda Somaliland Waa Maxay Sababtu?
March 12, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Waxaan uu boggay hadal uu maanta ka jeediyey madal ku habooneyd wasiirku xigeenka wasaaradda warfaafinta cabdi waaxid cabdi qaadir cabdi raxmaan oo ah siyaasi da”yar isla markaasna la yimmi siyaasadda fur-furan oo aad uu dabeecsan taaso soo jiidaata bulshada markaasta oo uu hadlo,wuxuuna ka hadlaa hadal dhamaan raali geliyaa bulshadda,dhinacyadeeda kala duwan  ee dhegeysanaaya  isaago ka duulaaya waaqi-ciga jiraa una garaabaaya hadallaada labada dhinacbaa, wasiirkan ayaa tiraaba dhawr-jeer oo uu hadlay ay raali gelisay shucuubta dhalinyarada iyo dadka ka faallooda siyaasadda wuxuuna hadalkiisa ku bilaabaa si anay dhibsan mucaarad iyo muxaafadba isaago uu diida jaanis ay mar labaad ugu jawaaban mucaaridka wuxuuna ka faa”iidaystaa inuu labadaa garabba tuso wadaaniyadda  oo uu sheego inay mar walbaa laga horeysiiyo danta gaarka ah .

Tiraaba dhawr jeer oo uu hadlay wasiirku xigeenkani ayaa uu mucaaridku waayeen jaanis ay jawaabkaaga bixiyaan,oo ay daaliishadaan waayo,wuxuu abaara xaqiiqada haboon ee jirta iyo wax qabadka dawladda uu hoggaamiyo mudane Axmed maxamed maxamuud (siilaanyo) oo runtii dalka ka hir-gelisay wax muuqda ,waxaa kaloon la arag cid ay waligeed siyaasad ay isku khilaafeen wasiirku xigeenkani oo ka daba qaadata hadalkaa

Hadaba aan isoo daadeeggo walaalayaal dulucdaa maqaalkan,

Wasiirku xigeenkan ayaa  aan dhegeystay isaago uu jawaabayaa odayaal isku sheegay inay yihiin madasha toosinta oo anan garanay wax ay toosiyaan maadaama oo ay ku dhawaaqeen ereeyo dalka kala foggeeynaaya, waxayna ahayd maalin uu madaxweynaha qaranka Somaliland axmed siilaanyo oo soo dhagax dhiggaayey wadaada qaaligga ah ee ceerigaabo, oo ay xukuumadu wado qorshe lagu dhisaayo,taaso ay  odayaashaasi ay ku dhawaaqeen hadal ka yaabiyey bulshada kaaso ahaa sidaan,”dalka madaxweynihii uu ka maqan yahay ku xigeenkuna wuu maqan yahay dalka wasiirkii arrimaha guduhu wuu ka maqan yahay dalkii yaa lagaaga tagay “waa yaab ninka sidaas uu hadlayaa waa mujiid caan ah oo dalka usoo daagalamay,wasiirku xigeenka warfaafinta ayaa arrintaasi si deg deg ah ugaa jawaabay isaago  uu dulqaadan kari waayey deel-qaafkaas wasiirkan ayaa hadalkiisa ku bilaabay sidan “odayguu waa mujaahid laakin malaha ma ogga inay burco tahay dalka ee waxaa uu haystaa dalka kale waayo madaweynuhuu wuxuu jooga burco oo ah magaalo madax-dii labaad ee dalka wuuna joogi karaa intaa uu doono”ereeyadaasi waxay ka mid kuwii uu  igu jawaabay mujaahidkii burco ka dhigay muqdisho, iyo meelo kale oo la mid ah

Sidoo kaleena wasiirkan ayaa maanta ka qayb galay munaasibad si weyn looso agaasimay taaso ay soo qaban qaabisay dalada SONSAF iyo ururka caalamiga ah ee saxaafada dalkaee solja isaago wasiirku kulaankaas ka hadalay ayaa si miisaaman uga halay caqaabado ay ka mid yihiin kuwaa raggaadiyey warbaahinta isaago qiray inay uu baahan yihiin in kor loo qaado aqoontooda wuxuuna sheegay hadii khalad yimmaado ay muhiim tahay in layska kaashado tallaabadii laga qaadi lahaa waxaa laga yeelaayo taaso noqon kartaa mid loo baahan yahay .

Hadaba maxay tahay waxaa uu kaga duwan yahay wasiirkani wasiirada kale su”aashaas waxaan uu dhaafaya intaa samaha jecel ee wanaagga ka talisa.

Qalinka

Ridwaan Jaamac siciid

Maxamedrooble74@hotmail.com

Hargeisa/Somaliland

COMMENTS
LINKS