Wasaarada Caafimaadka Waxa Ka Go,an In La Dabar Gooyo Xanuunka Qaaxada Ama TB-da..Wasiir Xaglatoosiye | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Caafimaadka Waxa Ka Go,an In La Dabar Gooyo Xanuunka Qaaxada Ama TB-da..Wasiir Xaglatoosiye
March 24, 2014 - Written by Editor:
Hargeysa(Wajaalenews):-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) ayaa sheegay inay wasaarada caafimaadka ka go,an tahay sidii cudurka qaaxada loo dabar goyn lahaa.

Hargeysa(WJN):-wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed(Xaglatoosiye) ayaa sheegay inay wasaarada caafimaadka ka go,an tahay sidii cudurka qaaxada loo dabar goyn lahaa.

Wasiirka wasaarada caafimaadka Somaliland oo maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo lagu xusayey maalinta qaaxada aduunka oo ka qabsoontay Hargeysa ayaa waxa uu sheegay  in mudooyinkii u danbeeyey uu hoos u dhacay cudurka qaaxada, waxaanu tilmaamay inay wasaarada caafimaadku ku dedaali doonto in la dabar gooyo xanuunkaas.

 Ugu horayn wasiirka caafimaadka Somaliland Saleebaan Xaglatoosiye oo ugu horayn ka hadlaya cudurka qaaxada iyo siyaasada uga taala wasaarada caafimaadka ayaa waxa uu yidhi “ wasaarada caafimaadka waxa ka go,an in la dabar gooyo xanuunka qaaxada, ujeedada iyo hadafka ugu danbeeya ee ay wasaaradu doonaysaana waa in


la gaadho iyada oo aanu xanuunkaasi gabi ahaanba dalka ka jirin.” Ayuu yidhi wasiir Saleebaan Xaglatoosiye.
Sidoo kale waxa maanta magaalada Hargeysa laga hir geliyey xaruntii ugu horaysay ee kiniinka qaaxada lagu siin doono dadka xanuunkaas la qabsaday ee dawooyinkiisana mudo dheer isticmaalayey, xaruntaas oo noqotay tii ugu horaysay ee laga hir geliyo Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS