Wasaarada Biyaha iyo khayraadka Somaliland Oo Maanta Dib U Furtey Ceelkii Dameero Boob Oo Mudo Todobaad ah Jabnaa
March 12, 2014 - Written by Editor:
GABILEY (Wajaalenews) Isku duwaha wasaarada biyaha Somaliland ee gobolka gabiley oo ay weheliyaan injineero ka socda wasaarada biyaha Somaliland ayaa maanta si rasmiya u dhameeyey dayactirkii lagu samaynayey ceelka dameero boob eek u yaala duleedka degmada allaybadey waxaan maanta kormeer kusoo marey badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley cali cabdi c/laahi(cali case) oo uu weheliyo xildhibaan c/samad sh.aadan jamaado iyo maayerka degmada allaleybadey iyo xoghaya degmada allaybadey, waxaaney halkaasi ka jeediyeen.
Ugu horeyn waxaa halkaasi ka Hadley isuduwaha wasaarada biyaha iyo khayraad ee gobolka gabiley xasan maxamed waxanau ka dhawaajiyey inay ku guuleysteen dib u samaynta ceekani waxaanu yidhi”waxaanu aad ugu faraxsanahay ina maanta uu ceelkii dameero boob inoo furmo oo mudo todobaad ah xidhaa, runtiin ah ceel mihiim, waxaan u mahad celinayaa masuuliyiinta degmada allaybadey ee marwalba heegan nala ahaa, waxaan rajaynayaa inuu si wanaagsan u sheqeeyo”isuduwaha wasaarada biyaha ee gobolka gabiley
Maayerka degmada allaybadey iyo xoghaya degmadaasi ayaa aad ugu mahad celiyey masuuliyiinta wasaarada biyaha Somaliland ee ilaa heer gobol ilaa wasiir,waxaaney balan qaadeen inay sidii ay uga warhayn jireen iyo si ka fiican ay uga hawlgali doonaan
Gabogabdiina waxaa halkaasi ka Hadley badhasaabkuxigeenka gobolka gabiley cali cabdi c/laahi oo ku dheeraadey ahmiyada ay biyuhu u leeyihiin noolaha, waxaanu yidhi”runtii waxaan u mahad celinayaa masuuliyiinta iyo injineeradaka socda wasaarada biyaha somailand sida wanaagsan ee ay iskaga xilsaareen dib u samaynta ceelkani oo muhiim u ah dadweynaha reer Somaliland iyo kililkashanaad ee itoobiya, runtii wasaarada iyo maamulka degmadauba doorkoodi wayqaateen, ina marwalba sidaa loo wada sheqeeyaan waa wajib ina saran”badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley cali case