Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI Wuxu Xukuumadda uga Digayaa Faragelinta Qaawan Ee ay Ku Hayso Hay’adaha Madaxa Banaan ee Qaranka, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warsaxaafadeed Xisbiga WADDANI Wuxu Xukuumadda uga Digayaa Faragelinta Qaawan Ee ay Ku Hayso Hay’adaha Madaxa Banaan ee Qaranka,
March 27, 2014 - Written by Editor:

Warsaxaafadeed

 

 

HARGEISA(Wajaalenews);Waxaa baryahan dambe isa soo taraya maamul xumo baahsan oo ragaadisay dhamaan qaybaha kala duwan ee xukuumadda.

Markaanu milicsano hab-dhaqanka xukuumadda maanta jirtaa waxa ay halis ku tahay jiritaanka qaranka saddex iyo labaatan jirsaday.

Waxaynu ogeyn faragelinta xukuumaddu ku sameysey dhamaan hay’adaha dawladda ee madaxa banaana, hay’adahaasoo kala ah  garsoorka, Baarlamanka iyo dawladaha hoose.

Waxa kale oo ay maamul xumada xukuumadu keentay in ay wada-shaqayn waayeen hay’adihii xukuumadda sida Maaliyada iyo Bangiga dhexe, taas oo bulshada somaliland ku keentay sicir barar baahsan iyo jahwareer dhaqaale, waxaa kale oo jirta in Xisbigii ay ka dhalatay xukuumaddu oo maanta tahli la’yahay inuu qabsado shirweyne badbaadiya jiritaankiisa, taas oo ay xukuumaddu leedahay masuuliyada dib dhiciisa.

Xisbiga WADDANI Wuxu Xukuumadda uga Digayaa Faragelinta Qaawan Ee ay Ku Hayso Hay’adaha Madaxa Banaan ee Qaranka, anagoo ogsoon in xukuumadda Axmed Maxamed Siilaanyo ay daashadeen gudaheeda musuq-maasuq, nin jeclaysi iyo maamul xumo baahsan.

Guntii iyo Gabagabadii wuxuu Xisbiga WADDANI cod dheer ku muujinayaa in la ixtiraamo dhamaan shuruucda iyo dastuurka dalka, lana ilaaliyo kala madax banaanida hay’adaha qaranka ee Jamhuuriyada Somaliland.

 

Alla Mahad Leh

 

Md. Cabdi Raygal Beegsi

Ku Simaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS