WAR DEGDEGA XARUNTA DAWLADA HOOSE EE GABILEY OO SAAKA HANTI DHOWR KU WABARISAY DHAAMANA QUFULAY XAFIISYADII MASUULIYIINTA IYO XOGHAYIHII OO LALAAYA AY MEEL UU JAAN IYO CIDHIB DHIGAY,+DADWAYANAHA OO SOO DHAWEEYAY ; | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
WAR DEGDEGA XARUNTA DAWLADA HOOSE EE GABILEY OO SAAKA HANTI DHOWR KU WABARISAY DHAAMANA QUFULAY XAFIISYADII MASUULIYIINTA IYO XOGHAYIHII OO LALAAYA AY MEEL UU JAAN IYO CIDHIB DHIGAY,+DADWAYANAHA OO SOO DHAWEEYAY ;
March 20, 2014 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews)Xarunta dawlada hose ee degmada gabiley oo saaka odhid ku wabariistay iyadoo mar kaliya lagu warhelay xafiisyadii masuuliyiinta oo lawada qulufay islamrkaana waraaqo lagu dhajiyay waxay dhakafaar kunoqotay maamulka dawlada hoose ee gabiley markaanu is nidhi shaqadiina bilowda ayuunbaanu ku war helay .midkamida shaqaalaha xafiiyada gabiley ayaa sidaa yidhi masuulkan oo magaciisa ka gaabsaday,,

Mudoyinkii udanbayeeyay ayay xildhibaana golaha deegaanka gabiley iyo dadwayne tiro badani waxay xukuumada dhexe ka dalbanayeen in badhitaan galu sameeyo dawlada hoose ee gabiley oo uu musuqmaasuq daashaday arinta dalabka in labaadho xafisyada ayaa dhalisay morano kuwasi oo gabi ahaanba kala irdheeyay masuuliyiinta iyo aqlabiyada xildhibaanada golaha degaanak oo iyagu dalbanayay baadhitaanka.

Dhinaca kale wararka aanu magaalada gabiley ka helayno ayaa sheegaya in lalaaya ay xoghayihii dawlada hoose CABDIRAXMAAN NUUR ABOKOR oo ah xoghayihii ugu mudada dheer ee soomara degmada gabiley kaasi oo aalaaba lagu eedeeyo wax isdaba marin baahsan ,sobobna u ah moranka golaha deganka

Dadwaynaha reer gabiley ayaa aad u soo dhaweeyay arinta baadhista xarunta dawlada hoose oo ay ku tilmaameen talaabo dawo u noqondoonta tabashada reer gabiley iyo xukuumada oo mudooyinkii danbe sii kala fogaanayay

GABILEY WAJAALENEWS.COM

GABILEY OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS