War-Dag-Dag-AhWasiirada-Caafimaadka-Iyo-Warfaafinta-Oo-Dhaawacyo-Ka-Soo-Gaadheen-Shilal-Baabuur-Oo-Ay-Galeen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War-Dag-Dag-AhWasiirada-Caafimaadka-Iyo-Warfaafinta-Oo-Dhaawacyo-Ka-Soo-Gaadheen-Shilal-Baabuur-Oo-Ay-Galeen
March 20, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA (WAJAALENEWS)Waxaa goor dhawayd Shir-baabuur Galay Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka iyo Warfaafinta oo qayb ka ahaa  Waftiga Madaxweyne Siilaanyo. waxaana Labada Wasiir soo gaadhay Dhaawacyo aan illaa hada la xaqiijinin.
Wararka Shabakada Wajaalenews soo gaadhaya ayaa sheegaya in Wasiirka Wasaarada Caafimaadku uu hada miyir doorsoon ku jiro,halka Wasiirka Wasaarada Warfaafintuna uu isna sida oo kale ay gacan wax ka soo gaadheen, waxaaana labada Wasiirba lageeyey Cisbitaalka Magaalada Barbera.
Shilkan Baabuur ayaa saaka dhacay iyaga oo waftiga Madaxweyne Siilaanyo ay wax yar u soo jiraan Magaalada Barbera
Dhinaca kale shil kale oo baabuur ayaa waxaa ku geeriyooday caaqil cabdi hodoodil oo waftiga madaxwaynaha soo dhawaynayay iyadoo caaqilka lagu aasay magaalada barbara
Madaxwaynaha somaliland axmed maxamed maxamuud siilanyo ayaa tacsi u diray dhamaan shacbiga somaliland iyo qoyskii uu kabaxay marxuum caaqil cabdi

COMMENTS
LINKS