Todoba Qof Oo Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Bada Liibiya Iyo Qaarkale Oo Ay Soo Badbaadiyeen Ciidamada Bada Ee Liibiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Todoba Qof Oo Tahriibayaal Soomaali Ah Oo Ku Geeriyooday Bada Liibiya Iyo Qaarkale Oo Ay Soo Badbaadiyeen Ciidamada Bada Ee Liibiya.
March 1, 2014 - Written by Wariye:

TAHRIIBCol. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Saraakiisha dowlada Liibiya ayaa sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee dalkaas in ay shalay badbaadiyeen 107 qof oo tahriibeyaal Soomaali ah, kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku dhowaatay in ay gaddoonto.

Toddobo qof oo ka tirsaneyd muhaajiriinta Soomaalida ah ayaa geeriyooday markii lagu tuuray badda si looga hortago doonta in ay quusto.

Col. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Muhaajiriinta Soomaalida ah waxay doonta  ka raaceen xeebaha dalka Liibiya, waxayna ku sii jeedeen

qaaradda Yurub.

Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay tahriibeyaal  badan oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallo iyo nolol-xumo ka jirta dalkooda.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS