Taliyaha Qaybta Bileyska Togdheer Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dhagax Dhigay Rug Bilays Oo Ay Yeelan Doonto Balicalanle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Qaybta Bileyska Togdheer Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Dhagax Dhigay Rug Bilays Oo Ay Yeelan Doonto Balicalanle
March 13, 2014 - Written by Editor:

Hargeysa, (Wajaalenews) – Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey taliyaha qaybta Bilayska gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdillaahi, taliyaha

Ciidanka Asluubta gobolada bariga Jaamac Baadi, xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi Bidhi, Caaqil Xasan Dhuux Yare, xubno ka mid ah Jaaliyada qurba jooga deegaanka Bali-calanle, siyaasiyiin iyo aqoonyahan ka soo jeeda deegaankaasi ayaa safar ku tagay deegaanka Bali-calanle si ay ugu kuur galaan xaalada amaan iyo nololeed nololeed ee deegaankaasi una soo dhagax dhigaan rug saldhig Bilays oo cusub oo ay yeelan doonto magaalada balicalanle.

Waftiga ayaa dadweynaha kula kulmay deegaankaasi, masuuliyiintaasi oo ka hadlay ujeedooyinka safafkooda, iyagoo xusay inay ugu weyn tahay inay dhagax dhigaan rug saldhig ciidan oo lagu sugi doono nabad gelyada deegaanka iyo inay u kuur galaan xaalada ay dadka deegaankaasi ku sugan yihiin wakhtigan xaadirka ah

Taliyaha qaybta Booliska Togdheer Cabdi Muuse Cabdillaahi iyo Taliyaha

Ciidanka Asluubta gobolada bariga Somaliland, Taliye Jaamac Baadi oo

halkaasi ka hadlay ayaa si wada jira uga hadlay xaalada amaanka iyo nabad gelyada deegaanku inay kow ka tahay horumarka iyo iskaashiga, waxaana ay dardaaran buuxa siiyeen dadweynaah reer Bali calanle ay kula dardaarmeen inay ilaashadaan nabad gelyadooda iyo deegaankooda, waxaana taliye Cabdi Muuse balan qaaday inuu Rugta saldhiga keeni doono ciidan ku filan oo tayo leh, isagoo la kaasahnaaya madaxda ka saraysa, waxaana uu kula taliyey dadweynaha inay la shaqeeyaan ciidankaas.

Sidoo kale xildhibaan Mubaariga Yuusuf Cilmi Bidhi oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Burco sidoo kalena laga soo doortay deegaanka Balicalanle iyo kuwo kale oo badan oo halkaasi ka hadlay ayaa shacabka reer balicalanle uga mahad celiyey sidii wanaagsanayd ee ay codkooda u siiyeen xilligii tartankii doorashada golaha deegaanka ayna farxad u tahay in halkii isagoo murashaxa uu taagnaa ee looga codeeyey uu maanta taagan yahay isagoo xildhibaan ah.

Caaqil Xasan Dhuux-yare iyo Caaqil xaaji Axmed Carab oo iyaguna ka mida Cuqaasha deegaanka Balicalanle iyo qaar ka mid ah bulshada reer Balicalanle oo si balaadhan u soo dhaweeyey madaxda iyo horumarka ay ka wadaan, isla markaana sheegay inay gacmahooda ku dhisan doonaan dhismaha saldhiga, iyagoo la kaashan doona qurba joogta iyo ganacsatadooda ka soo jeeda deegaankooda.

Aqoonyahan Yuusuf Googooye kana mid ah qurba jooga reer Balicalanle oo kulankaasi furay ayaa faah faahin ka bixiyey socdaalkooda iyaga iyo waftiga inay si weyn u danaynayeen inay la soo kulmaan dadweynaha ku dhaqan deegaanka kana waraystaan xaaladooda iyaga iyo qurba jooga iyo madaxda dawlada ee heer gobol iyo heer degmo oo is kaashanaayey, waxaana uu halkaasi ka sheegay inay qurbajoogta reer Balicalanle ay qayb laxaadle ka qaadan doonaan horumarka deegaanka Balicalanle.

COMMENTS
LINKS