Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hay’ad Lagu Eedeeyay Inay Dalka Fasahaadinayso Oo Dalka Laga Saaray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadlay Hay’ad Lagu Eedeeyay Inay Dalka Fasahaadinayso Oo Dalka Laga Saaray
March 13, 2014 - Written by Editor:

“Hay’ada Nooleynta Naruurada Mustaqbalka (NNM) waanu ka mastaafurinay dalka madaxdii oo toban qof ahayd,”Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cambaro

Hargeysa, (Wajaalenews) – Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Maxamed Cambarro) ayaa caddeeyey in dalka  ay ka mastaafuriyeen masuuliyiinta hay’ada lagu magacaabo hay’ada Nooleynta Naruurada Mustaqbalka (NNM) oo lagu eedeeyey inay dalka ku fidinaysay arrimo ka soo horjeeda Diinta Islaamka.

 Taliye Maxamed-Cambaro waxa uu sidaa ku sheegay mar xalay khadka Telefoonka nagula soo xidhiidhay, isaga oo daba-joogay warar arrintan la xidhiidha oo warbaahinta qaarkeed lagu baahiyay. Waxaanu isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “Hay’ada Nooleynta Naruurada Mustaqbalka (NNM) waanu mastaafurinay madaxdii oo toban qof ahayd dalka waanu ka saaray oo waxaanu saarnay maanta (Shalay) Dayuurada Ethiopian Air-line-ta, waxaanay kala ahaayeen sadex dumara, laba rag ah iyo shan Caruur ah. Markaa Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-Cadde tobankaa qof ayuu Amar ka soo saarey. Waanu fulay amarkaasi”.

 

 

Maxamed Cambarro waxa uu beeniyey wararka sheegaya inaan la mastaafurinin hay’adaas madaxdeedii, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi“Wararka lagu daabacay Website-yada ee sheegaya inaan la mastaafurinin hay’ada Nooleynta Naruurada Mustaqbalka (NNM) waxaan u arkaa warar aan sal iyo raad-toona lahayn oo been abuura, kuwaas oo ah dagaal shakhsiyadeed”.

Hay’adan magaceeda la yidhaahdo Nooleynta Naruurada Mustaqbalka (NNM) ayaa la sheegay inay dalka timid sanadkii 2009-kii, iyada oo sheeganaysa inay tahay hay’ad Samofal, oo ka shaqeysa Caafimaadka iyo waxbarashada,oo la sheegay inay si gaar ah u bartilmaameedsan jirtay Dumarka iyo Caruurta baahan

COMMENTS
LINKS