Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Soo Kormeeray Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Boorama | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Soo Kormeeray Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Boorama
March 6, 2014 - Written by Editor:
BORAMA(WAJAALENEWS)’;Taliyaha Ciidanka Asluubta Jsl Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen Faarax [Xiirane] Oo Weheliyo Mr John Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska Islamrkaa Somaliland Kala Shaqeeya Horumarinta Xabsiyadda.

Boorama(wjn):- Taliyaha Ciidanka Asluubta Jsl Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen  Faarax [Xiirane] Oo Weheliyo Mr John Oo Ka Socda Dalka Ingiriiska Islamrkaa Somaliland Kala Shaqeeya Horumarinta Xabsiyadda Ayaa Socdaal Shaqo Ku Tagay Xarunta Gobolka Awdal Ee Boorama.

Taliyaha Ciidaanka Asluubta  Iyo Sarkaalka Ku Wehelinaayay Safarka Shaqo Waxa Halkaasi Salaam Sharaf Ku Siiyay  Cutubiyo Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Gobolka Waxaana Salaantaasi Ka Dib Ay Kormeer Ku Soo Mareen Taliyah Iyo Sarkaalka La Socday Qeybaha Xabsiga Dhexe Ee Magaaladda Borama Iyagoo Halkaasi Ku Gudoonsiiyay Taliyaha Xabsiga  Magaalada Borama Kabtan Siciid Xuseen Caynaan Deeq Maryo Ah Oo Loogu Talo Galay In Ay Xidhaan Maxabiista Ku Jirta Xabsiga Kuwaas Oo Gaar U Noqon Doona Guud Ahaan  Maxaabiista Somaliland.

Taliyaha Xabsiga Magaaladda Borama  Kaptan Siciid Xuseen Caynaan Oo Ka Waramay Ujeedada Socdaalka Taliyaha Ayaa Sheegay In Ay La Xidhiidho Sidoo Balaadhin Iyo Dib U Habayn Loogu Samayn Lahaa Xabsiga Magaalada Borama Taasoo Ay  Indho Indhayn Ku Samaynayaa  Dhawaan La Bilaabi Doono Isalmarkaa Mashruuca Dib U Habaynta Xabsiyadu Uu Daba Socdo Balaadhin Iyo Qalabayn Hore Loogu Sameeyay Xabsiyada B Hargaysa Iyo Madheera.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarxa [ Xiirane] Oo Ka Hadlay Socdaalooda Ayaa Sheegay In Ay Doonayaan In Xabsiyadda Somaliland In Ay Noqdaan Kuwo La Mid Ah Xabsiyadda Caalamka Isalamarkaa  Horumarintooda Ay Ka Taageerayso Dawaldda Ingiriisku Waxaanu Intaa Ku Daray In Ay Borama U Yimaadeen In Ay Indho Indhayn Ku Sameeyaan Sidii Loo Balaadhin Lahaa Xabsiga  Isalamrkaa Qalabayn Iyo Tayeyn Loogu Samayn Lahaa Askarta Ka Hawl Gasha Taasoo Dhawaan Ay Bilaabi Doonaan Hirgalinteeda Iyagoo Hopre Usoo Dhameeyay Dib U Habaynta Xabsiyadda Hargaysa Iyo Madheera  Wejigal Labaadna Uu Noqon Doono Boorama Iyo Gabilay Waxaanu Intaa Raaciyay In Xabsiyadda Dalka Loo Samayn Doono Garoomo  Ciyaaraha Kala Duwan Lagu Ciyaaro, Sariiro Lagu Srrxdo Iyo Goobo Lagu Maydho Si Kor Loogu Qaado Caafimaadka Iyo Nolasha Maxaaabiista

 

WAJAALENEWS DESK

BORAMA SOMALILAND

 

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS