Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Kormeerey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Balli-gubadle | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Ciidanka Asluubta Oo Kormeerey Xabsiga Dhexe Ee Magaalada Balli-gubadle
March 22, 2014 - Written by Editor:
BALIGUBADLE(WAJAALENEWS);Taliyaha Ciidanka Asluubta Jsl Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax [ Xiirane] Oo Kormeer Shaqo Halkaasi Ku Tagay Ayaa Warbixin La Xidhiidha Xaalada Maxaabiista Iyo Xabsiga Baligubadle Ka Dhagaysatay Taliyaha Xabsiga Baligubadle.

Balligubadle(WJN):-Maayirka Degmada Baliguabdle Mudane Cabdi Iimaan Jaamac Oo Uu Weheliyo Taliyaha  Ciidamada Asluubta Jsl Sareeye Guuto Maxamed Xuseen  Faarax [Xiirane]  Iyo Taliyaha Xabsiga Dhexe Ee Baligubadle Laba Xidigle Maxamed Cabdilaahi Maxamed(Jihaad)Ayaa Maanta Kormeer Shaqo Ku Soo Maray Qeybaha Kala Duwan Ee Uu Ka Kooban Yahay Xabsiga Degmada Bali Guabdle.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Jsl Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax [ Xiirane] Oo Kormeer Shaqo Halkaasi Ku Tagay Ayaa Warbixin La Xidhiidha Xaalada Maxaabiista Iyo Xabsiga Baligubadle Ka Dhagaysatay Taliyaha Xabsiga Baligubadle Laba Xidigle Maxamaed Cabdilaahi Maxamed [ Jihaad] Kaasoo Sheegay In Xaalada Xabsiga Iyo Maxaabiistuba Ay Wanaagsanatahay  Waxaanu Intaa Raaciyay In Ciidanka Xabsigu Ay Qodeen Ceel Biyood   Ay Ugu Talo Galeen In In Guud Ahaan Maxaabiita
Iyo Ciidankuba Ay Ka Cabaan Kaasoo Hada Ku Dhaw Dhamaad  Xaalada Kale Ee Xabsiguna Ay Meel Fiican Marayso.Waxa Isna Halkaasi Ka Hadlay Maayirka Degmada Baligubadle Cabdi Iimaan Jaamac Oo Sheergay In Ay Dhamaystirayaan Waxa Ka Qabyada Ah Ceelka Ciidanku Asluubtu Ay Dhisteen Isagoo Ku Amaanay Sida Ay Iskood Wax Ugu Qabsadeen Waxaanu Inaa Ku Daray In Inta Awoodooda Ah Ay Ku Dadaalayaan In Ay Caawiyaan Xabsiga Adeegayada Aasaasiga Ah Ee Uu U Baahan Yahay Dawlad Hoose Ahaan.

Gabagabdii Waxa Halkaasi Ka Hadlay Taliyaha Ciidanka Asluubta Jsl Sareeyo Guuto Maxamed Xuseen Faarax [ Xiirane]  Oo Sheegay In Ujeedada Socdaalkiisu Ay La Xidhiidhi Sidii Xog Ogaal Uu Ugu Noqon Lahaa Xaalada Ciidanka Iyo Maxaabiista Ee Gobolka Waxaanu Intaa Ku Daray  In Uu Ciidanka Ku Amaanayo Waxyaabaha Ay Gacantooda Ku Qabsadeen Isalamarkaa Uu Ku Boorinayo In Ay Halkaasi Ka Sii Wadaan Intaasi Ka Dib Taliyaha Ciidanka Asluubta Iyo Masuuliiyinta Kala Duwan Ee Gobolku Waxay Soo Kormeereen Qeybaha Xabsiga Iyo Xafiisyada Ciidanka Asluubta.

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS