Taliyaha Booliska Somaliland Oo Ka hadlay Dil Foolxun Oo Ka Dhacay Magaalada Hargaysa Sheegayna In Cida Lagu Helo Kiiskan Gacan Bira Lagu Qaban Doono. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliyaha Booliska Somaliland Oo Ka hadlay Dil Foolxun Oo Ka Dhacay Magaalada Hargaysa Sheegayna In Cida Lagu Helo Kiiskan Gacan Bira Lagu Qaban Doono.
March 2, 2014 - Written by Editor:
HARGEISA(WAJAALENEWS);Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 6(lix) qof oo ay ku jirto eedaysanaha koobaad ee dilkan.

Hargaysa(wjn) Dil foolxun oo ay ka argagaxeen intii maqashay ayaa ka dhacay magaalada Haargaysa kadib markii maarxuumad inta ladilay hadana lagu dhex aasay  god laga qoday daarada guriga, ayay maanta booliska Somaliland gacanta ku soo dhigeen lix qof oo kiiskaas ku eedaysan isla markaana ay ku soo heleen Meydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle.

 

Booliska Somaliland,ayaa soo helay meydka marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle oo meydkeeda lagu dhex aasay guri ku yaalla bariga magaalada Hargeysa ka dib markii la dilay.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo la hadlay warbaahinta,ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen 6(lix) qof oo ay ku jirto eedaysanaha koobaad ee dilkan.

 

Taliyaha

  oo arrintaa ka hadlayaana ayaa waxa uu hadalkiisii ku bilaabay sidan.“galabta waxaan isugu kiin yeedhay kiis aan noociisu hore dalka uga dhicin oo inagu ugub ah, taariikhdu markii ay ahayd 24/02/2014 waa booliska  u yimi dad dhibanayaal ah oo raadinaya Marxuumadda imika meydkeeda la  helay Ruqiya Siciid Ayaanle, oo taariikhdaa la waayay,markaa boolisku waxay galeen baadigoob aad u weyn oo dhan walba leh,maantana waxaan soo hellay meydka Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle,intaan meydka Marxuumadda la helin waxaan soo qabannay 6 qof oo ay ka mid tahay Gacan ku dhiiglaha  koobaad ee kiiskan oo la yihaahdo Muna Maxamed Cabdilaahi taasoo gurigeeda lagu dhex dilay Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle isla markaana god looga qoday laguna aasay..” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan.

waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata“Waxaan halkan tacsi uga dirayaa ehelka qaraabada ubadka iyo dhamaan intay ka baxday Marxuumad Ruqiya Siciid Ayaanle,baadhistuna wali way noo socotaa,waxaan aad iyo aad uga mahad celinayaa dadwayne kiiskan si wanaagsan booliks uga gacan siiyay,waxaanan halkan ku caddaynayaa in kiiskaasi cid kasta oo uu galo gacan bir ah ku qaban doonno”.ayuu yidhi

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS