Taariikh Kooban Oo Ka Hadlaysa Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Somaliland Mudane C/raxmaan Axmed Cali Tuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taariikh Kooban Oo Ka Hadlaysa Madaxweynihii Ugu Horeeyey Ee Somaliland Mudane C/raxmaan Axmed Cali Tuur
March 31, 2014 - Written by Editor:

Cabdiraxman Axmed Cali oo loo yaqaaney Cabdiraxman Tuur ahaana siyaasi weyn oo Soomaaliyeed, jagooyin badanna ka soo qabtey Soomaaliya iyo Somaliland ayaan halkan maanta ku soo qaadan doonaa wax yar oo kamida taariikh nololeedkiisii uu soomaray,

 

Allaha u naxariistee, Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur) wuxuu ku dhashay miyiga hawdka magaalada Burco, qiyaastii sida dad yaqaannay ay sheegeen, kun sagaal boqol iyo dhawr iyo labaatankii.

 

Walaalkii Maxamuud Axmed Cali oo ahaa aabihii waxbarashada Soomaaliyeed ayaa Cabdiraxmaan ka soo kaxeeyay miyiga oo ku daray dugsiga, iyadoo ay isku fasal noqdeen rag kale oo uu ugu magac dheeraa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.

 

Waqti ku aaddan 1943kii ayuu Cabdiraxman ku biirey dugsiga caanka ah ee sheekh. Wuxuu ahaa Cabdiraxmaan Axmed Cali arday ku fiican waxbarashada iyo ispoortigaba oo marnaba aan laga qaadi jirin kaalinta kowaad sida uu hore u sheegay saaxiibkii maxamed xaaji ibraahim cigaal IHN.

 

Cabdiraxmaan Axmed Cali alla ha u naxariistee markii uu dhammeystay waxbarashadiisii dugsiga dhexe ee sheekh wuxuu waxbarashadii dugsiga sare ku soo dhammeystay dugsi sare oo la yidhaahdo XANTUUB oo ku yaalla dalka Sudan, magaalada Khartuum.

 

Wuxuu kadib diploma sare oo ah cilmiga maamulka ku soo qaatay jaamacadda la yidhaahdo EXETER UNIVERSITY ee dalka Britain. Somaliland ayuu Cabdiraxmaan ku soo laabtay wuxuuna noqday kaaliyaha DC-ga Boorama oo ahayd shaqadiisii ugu horreysay.

 

Sanooyinkii 1961-1963kii wuxuu noqdey Guddoomiyaha Gobolka woqooyi Bari ee magaalo madaxda ay u ahayd Burco ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya xiligaas, Sanadkii 1964kii wuxuu kaloo noqday Guddoomiyaha Gobolkii Woqooyi Galbeed ee Hargeysa ay magaalo madaxda u ahayd ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya xiligaas, iyadoo isla sannadkaasi uu noqday Safiirkii Soomaaliya ee Sudan oo loo beddelay Khartuum.

 

Sanadkii 1968kii Cabdiraxmaan Axmed Cali wuxuu ka qayb galay doorashadii baarlamaanka ee Soomaaliya isagoo furtay xisbi oo iska soo sharaxay magaalada Burco, laakiin kumuu soo bixin doorashadii.

 

Cabdiraxmaan wuxuu mar kale ku noqday shaqadiisii Safiirnnimada isagoo mudadii u dhaxeysay 1969kii ilaa iyo 1977kii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee Addis-ababa ee dalka Ethiopia .

 

Sanadkii 1978kii wuxuu kaloo noqday safiirkii Soomaaliya ee Barlin ee Jarmalkii Bari, isagoo markii danbena noqday Danjiraha Somaliya ee Imaaraadka Carabta oo uu joogay ilaa iyo 1984kii, xilligaasi oo uu ka goostay dawladdii Siyaad Bare kuna biiray Jabhaddii SNM.

 

Cabraxmaan Tuur isla sannadkaasi 1984kii wuxuu noqday wakiilka SNM ee Yurub oo fadhigiisuna ahaa London. April 1990kii waxaa loo doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali Guddoomiyaha SNM isagoo xilka kala wareegay Axmed Siilaanyo.

 

May 1991kii waxaa Cabdiraxmaan Tuur loogu doortay shirweynihii beelaha Somaliland ee Burco ee lagaga dhawaaqay goonni isu taagga Somaliland inuu ahaado madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland muddo labo sano ah.

 

Shantii May 1993kii shirweynihii kale ee beelaha Somaliland ee lagu qabtay Boorama waxaa Cabdiraxmaan Tuur uu xilkii ku wareejiyay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo shirku u doortay madaxweynaha Somaliland.

 

Qabashadii dalka uu qabtay!;

 

Ilaahay haw naxariistee waxuu marxuunku kala wareegay xukunkii halgankii SNM Mudane Siilaanyo kad dib doorashadii Baligubadle. Wuxuu halkaas kaga dhawaaqay inuu dalka ku xoraynayo mudo 6 bilooda iyadoo dadkeenii barakacay ay u  qaateen  fikir riyo ah balse Ruugcadaagu uu u dhigay shaxdii SNM si la odhankaro waxay shabahaysay SIXIR. Waxa hadaladiisa ka mid ahaa: MAANTA SIYAASADAA QORIGA HOGAAMINAYSA IYO MASKA MADAXAA LAGA DILAA!! Wuxuu ahaa waayeel diblomasiya (Great Diplomat) mudo aad u dheer taaso u sahashay inuu furo guntintii isu haysay dawladii Afweyne. Aan soo koobe, Tuur waxa uu General Caydiid u bandhigay siyaasad hufan oo uu garawsaday taasoo ku salaysnayd maska madaxaa laga dilaa dabadeedna Caydiid ayuu xamar afka u saaray dalkiina si dhib yar ayuu ku xoreeyay (I dont hesitate to mention that it was a magic political strategy).

 

wuxuu aasaas u ahaa in dadku ku midoobo dowlada Somaliland mid SNM ahaa iyo mid kasoo horjeeday halganka oo diidanaa!, wuxuu isu keenay beelihii degenaa Somaliland si qaran cusub loo yagleelo, wuxuu ku dadaalay in aanay dhicin in lakala aargoosto, wuxuu noqday seeskii dowladnimada Somaliland in kasta oo ay saamayn xoogan ku yeelatay xukuumadiisii khilaafkii siyaasadeed iyo kala qaybsanaantii dhextaalay ururkii SNM ee dalka xoreeyay, ururkaas SNM oo markuu dhaxlay ee loo dhiibayba khilaafku ragaadiyay oo maamulkii siilaanyo ee uu kala wareegay uu ku wareejiyay urur kala qaybsan oo buka! taasina ay sabab u noqoto inay dowladiisii uu soo dhisay saamayn ku yeelato khilaafkii hore u jiray ee huursanaa,

 

Guushiisii taariikheed waxay ka dhigtay inuu noqdo aabihii xoreeyay dalkan waxaynu odhan karaa waa aabaha xoraynta Somaliland (Father of Somaliland Liberation). la’aantii Somaliland iyo madaxweyne yaal toona ma jireen! ilaahay hakuu naxariisto aamiin.

 

Aadan Axmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com

COMMENTS
LINKS