Somaliland oo ka Qayb gashay Shir ka dhacay Tanzania iyo Xisbiga Ucid oo Matalayey Somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo ka Qayb gashay Shir ka dhacay Tanzania iyo Xisbiga Ucid oo Matalayey Somaliland
March 29, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;Somaliland ee Xisbiga Calaadala iyo Daryeelka Ucid waxay fursad u heleen inay la kulmaan lana sheekaystaan madaxwaynaha dalka Tanzania waxanay ka wada hadleen xidhiidhka soo jireenka aha ee Somaliland iyo Tanzania ka dhaxeeyay

Caruush (Wajaalenews ):- Guddoomiya xisbiga cadaalada iyo daryeelka somaliland ee ucid eng faysal ali waraabe iyo wafti uu hogaaminayo ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka furmay magaalada daresalam ee xarunta laga maamulo dalkani tanzania.

Eng faysal ali waraabe oo uu weheliyo xubin sare oo katirsan xisbiga Ucid mudane Siciid Cumar ayaa ka qayb galay shir caalami ah oo ka furmay saaka subaxnimadii shirkan ayaa socon doona mudo laba maalmood ay isagoo lagu qabtay magalada Daresalam ee dalka Tanzania gaar ahaan hoolka shirarka heer caalami  ee  Julius Nyerere International Convention Centre.

Shirkan u socda African socialist international ayaa socon doona 28/29ka bishan iyadoo uu ku soo dahweeyey martidii ka kala socotay dalalka kamidka ah africa socialist international oo ay

 

 

Mudane kinana ayaa ka soo qayb-galayaashi shirkan shirka wuxu ku soo dhaweeyey Tanzania waxanu ka sheekeeyey sooyaalka taariikheed ee ka dhaxeeya xisbiga CCM iyo Socliast international, waxa uuna xusay in madaxwaynihii hore ee dalka Tanzania marxuum Nyerere uu ahaa dadkii  aasaasay Socialist international.

Waxa kale oo ka hadlay shirka xoghayaha guud ee socialist international mudane luis Ayale wuxuuna ku nuux-nuuxsaday in waqtigii xornimo doonka loo ordayay wadamo badan oo Africa ah iyo latin Amerika iskaashigii socialist international awgeed inay ka xoroobeen gumaysiga

Waxaan aad ugu faraxsanahay dalalkii gumaysiga ka xoroobay inay intooda badan katirsanyihiin socialist international ayuu ku soo gaba gabeeyey hadalkiisii xoghaya guud ee socialist international mudane luis ayale, iyadoo dawlado badanina ka hadleen shirkaasi

Madaxwaynaha dalka Tanzania mudane Jakaya mrisho kikwete ayaa markii qadadii la gaadhay hadhimo sharafeed ku qaabilay wufuudii ka soo qaybgashay shirkaasi iyadoo qasriga madaxtooyada dalkani Tanzania looga arimiyo lagu soo dhaweeyey .

Waftiga Somaliland ee  Xisbiga Calaadala iyo Daryeelka Ucid waxay fursad u heleen inay la kulmaan lana sheekaystaan madaxwaynaha dalka Tanzania waxanay ka wada hadleen xidhiidhka soo jireenka aha ee Somaliland iyo Tanzania ka dhaxeeyay, waxaanu yidhi madaxwaynaha dalka Tanzania soo dhawaada soo dhawaada Somaliland, waxay Somaliland I xasuusisaa nin aanu aad saaxib u ahayn oo lagu magacaabo Ali Sanyare markii danbena noqday wasiirka qorshaynta ee dalka Somaliland ayuu yidhi madaxwaynaha Tanzania iyadoo ay dhagaha la raacayaan dawladihii goobtaasi ku sugnaa.

 

06 Shirkan ayaa lagu qaada dhigi doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqaynta iyo xidhiidhka joogtada ah ee xisbiyada socialist international, dimuqraadiyada, horumarka bolshooyinka dunida xalinta khilaafaadka dhaqaalaha iyo qodobo kale  gaar ahaan africa iyadoo ay ka soo qayb galeen 21 wadan oo kala ah.” Tanzania, Algeria, Angola, Somaliland, Benin, Cameroon, Chana, Greece, Kenya, Mali, Mauritius, morocco, Namibia, South africa, Swaziland, Western sahara, Lesotho, Cap verde iyo Zambia,

Gaba gabadii wufuuda ka socotay Somaliland ayaa la kulantay soo dhawayn iyo maamuus aad u heer saraysa iyago kulamana la yeeshay madaxda ugu saraysa dalka iyagoo madaxda xisbiga ucid ay si gaar gaar ah ula kulmayay wadamadii ka soo qaybgalay shirkan caalamiga ah.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS