Somaliland oo ay Kusoo Kordheen fafal la isku khaarajinayo maxaa iska badalay xagii amniga ??FAALO | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland oo ay Kusoo Kordheen fafal la isku khaarajinayo maxaa iska badalay xagii amniga ??FAALO
March 24, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Mudooyinkii u danbeeyay ama maalmihii la soo dhaafay waxa ku soo badanaya hargaysa falal araxan daro aha kaas oo bulshada ku dhaqan guud ahaan magaalada hargaysa uu khalalkhal galiyay falalkani wasaarada arimaha gudaha ayaan waxba ka badali  falalkani sida xun u dhacaya mudo gaaban ka hor ayay ahayd markii uu dhacay dil aan dalka hore looga maqal loogan arag iyadoo ciidanka bilaysku ay baadhitaan aywadaan soomaliland ayaa caan ku ah nabada iyo xasiloonida laakiin hada waxa soo food saartay dilal laga naxayo iyadoo wasaarada ku shuqulka leh ayana waxa cado dadweynaha qanciya ama bayaan cad aan ka soo saarin dadwaynaha ayaa wax soo kala dhexgalay shaki balaadhan oo ay iyagga dhexdooda iska shakiyaya waana markii ugu horaysay ee ay Somaliland uu ka dhacaan falal la isku khaarajinayo Akhriste waxa is waydiin leh maxaa waxlooga qaban laayahay amingan xumaaday iyo dadkan lakhaarajinayo ???

    Sidoo kale waxa batay oo lacaadaystay in caruur yar-yar oo markaas uun dhalatay la tuuuro iyagoo iskugu jira kuwo sulilagu riday,kuwo ay aydu banaanada ku cunaysa iyo kuwo lagoogooyay oo jidhiku ku damqanayo marka aad aragto ama maqashaba marka lagaaga sheekaynayo ,waxa ka dhacay xaafado kamid ah xaafadaha magaalada hargaysa ayaa waxa kadhacaday gabadh intay xaafad ay jaar yihiin u soo gashay dabadeedtana waxay sidaa tay ilmo habeenimadii ay dhashay xaafad ay u soo gashayna way u ogalaadeen inay suuliga ay gasho markii ay suuliga gashay waxay ku riday ilmahii yaraa xaafadii may tabine waxay maqleen ilmaha yar oo ooyay gabadhiidhashayna waxa gacanta ku haya ciidanka bilayska ,waxa kale oo iyadna jirta qaar baclagu riday oo wado inta ladhigay gaadhi jiidhay markii la arkayna dadkii ku agdhawaana way ka naxeen Alle subxaanahun watacaalaa waa uu inaga xiisabinayaa hadii falalkaa dhacay waxa laga qaban waayo intay dhawyihiin

   Somaliland ayaa falalkani ku cusub yihii sidoo kalana waa loo soowada joogay sheekhii isna mindida lagu dhuftay iyo sheekhii kale ee imaamka ahaa ee isagoo masjidka kusii socda dhaawaca ba ‘an loo gaystay  falalkan iska soo daba taraya ayaan dawladu go’aan cad aanay ka soo saaarin , hadii ay dawaladu go aan adag kasoo saarto waxan dhacayaa muu dhaceen  oo  waa lakala danbaayn lahaa .

 Waxaan iyadna sidoo kale meesha ka maqnayn in xaafadaha qaar waktiyada habeenkii lagu dhaco oo ay fadhiistaan dhalinyaro kooxaysi ah dadka xaafadahaa gala ayaa inbadan ka cawdaay  laakiin hadalkoodii waxa uu noqday halbacaad lagu lisay  ,dhalinyaradan meelaha luuqa-luuqa ah fadhiisanaaysa ayaa sidoo kale iyaguna ku soo badanaya iyagoo gaysanaya falal aad u xun xun oo ay kamid yihiin dhac, boob ,kufsi ,dil ay u gaysanayaan qofka ay waxba ay ka waayaan  walaw hadii dhalinyaradan waxan oo dhiba gaysanaysa  hadii la xidho iyo hadii kalaba ay isku mid tay  wayo way caadaysteen oo waxa u cadaatay in waxba la odhanayn waxa ay doonaana ay samaynayaaan .

 Guntii iyo  gabagabadii  Akhriste hadii aynu soo koobno maqaalkeena ama warbixintaba waykuu muuqataa halka amniga somaaliland marayo  waxaana wanaagsan inaynu dhawrno nabadgaliyadan aynu ku naaloonayno oo aynu kala danbayn yeelanaa waa faariin ama baaq aan u diraayo dhalinyarada somaliland  .

 

  • QALINKII WARIYE Xuseen siyaad cilmi {mataan}

             Peac143@hotmail.com

COMMENTS
LINKS