Socdaalada Odaygu Marka Hore Maaha mid Qorshe ahaan isaga ka Yimaadda iyo Mid Ujeedada Uu ka leeyahay Isagu Og yahay, Lakiin Odayga Cid baa Wadwada; MUJ Cali guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Socdaalada Odaygu Marka Hore Maaha mid Qorshe ahaan isaga ka Yimaadda iyo Mid Ujeedada Uu ka leeyahay Isagu Og yahay, Lakiin Odayga Cid baa Wadwada; MUJ Cali guray
March 17, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS; Muj cali guray markii kahadlayay safarka madaxwaynaha Somaliland ayaa isagoo qoraalkooban soo dhigay boga uu ku leeyayahy facebook wuxuu yihdi,Socdaalada odaygu marka hore maaha mid qorshe ahaan isaga ka yimaadda iyo mid ujeedada uu ka leeyahay isagu og yahay, lakiin odayga cid baa wadwada oo kolba waddo cagta u saaraysa meelo na dhagaxyo dhig odhanaysa. Cidaa ayaa u garanaysa ujeedada safarkiisa fariinta ay cidaasi inoo soo gudbinaysaa na waa mid keliya ee laba ma aha waa ” JIDH FAYOW AYAY MASKAX FAYOOBI KU JIRTAA”. Waa kaa odaygii aad wada aragtaan ee meel walba tegaya, ee Bad talaale ku dabaalanaya ee dhagxanta dhigxanta dhigdhigaya. Hadaba si uu dhagax dhigyada u sii wado ogaada oo hadhaw ha la yaabina marka mudada loo kordhiyo.

 

Runtii cidda muddo kordhinta doonaysa ee loo kordhinayaa maaha Madaxwaynaha aan dan iyo muraad toona ka lahayn muddo kordhin loo sameeyo lakiin cidda muddo kordhinta doonaysa ee kordhisanaysaa waa cidda inoo dhigaysa riwaayadda oo anigu aan u aqaano “Jilayaasha qaawan” ee sida sakaarada xaar muuqda inoo aas aasaysa

 

Intii MadaxwayneSilanyo uu socdaalkan ku jiray iyo dagaxyadii uu dhigdhigayay waxa ugu sii liitay dhagixii Laas Qoray. Laas Qoray umuu baahnayn in uu dhagax dhigo eh waxa uga haboonayd in uu maamul dhigo waayo meel aan maamul xukuumadiisa ihi ba ka jirin dhagaxa uu soo dhigay wax micno ah uu ku fadhiyaa ma jiro lakiin Jilayaasha Qaawan ee gudhan ee madhani waxay u haystaan in ay cid walba khaldi karaan Ilaahay oo aan cid khiyaamayn kartaa jirin na ay iyagu khiyaamayn karaan.

 

Hada ba mucaaridka muddo kordhintan xaaraanta ah ee loo gogol xaadhayo hadii fariinta mucaaridku aanay noqon mid adag tabaabusho hor leh iyo talo na laga yeelan jilayaasha Qaawani iyagu dal iyo dad midna dan kama leh ee tooda ayuun bay ka raaci doonaan xataa Madaxwaynaha tiisa dan iyo muraad kama laha. Haatan iyo dan hadii aan maanta laga tashan xaaladaha soo foolka leh waxa aa ku sugtaan waa muddo kordhin xaraan ah oo cidii ka hor timaada Xirsi Gaab uu sankeeda caano xoor leh ka lisayo hadii kale dacar iyo mur iyo deebaaq uu waraabinayo. La arki doonee waxan se leeyahay intii hadhow la odhan lahaa WAA KII CALIGUREY SII SHEEGAY KA TASHADA MAANTA BA

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS