Siiraanyo Shaqsiyan iyo siyaasiyan toona uma shabaho Nelson Mandela | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siiraanyo Shaqsiyan iyo siyaasiyan toona uma shabaho Nelson Mandela
March 25, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS;siiraanyo waa nin uur xun oo caloosha dadka wax ugu qabta qofka ay mar is qabtaana aan waligii ilaawin,waa nin kursi jecel oo mar walba dan dalka ka hormariya masaalixdiisa gaarka ah, waa qabiili, waxana uu aad 

Siiraanyo Shaqsiyan iyo siyaasiyan toona uma shabaho Nelson Mandela.
inkasta oo uu qofkasta sida uu u fikirayo u madaxbanaan  yahay haddana waa mid lagu kala duwanaan karo  fikirku  iyo sida ay dadku wax u arkaan, dad badan oo wax qorayaa ayaa waxaad arkaysaa in aaraadoodu ay ka tagan tahay xaqiiqda ama aanay ku salaysnayn wadciga jira ee dhabta ah.
Marar badan waxa aad arkaysaa dad Madaxweyne Siiraanyo agdhigaya Nelson Mandela oo ahaa halgamaagii umadda madaw ee dalka South Afrika , waxa uu leeyahay taariikh dheer  iyo falsafad nadiif ah oo maanta aduunka oo dhan dhaxal u ah, waxa laga qoray buugaag aad u tira badan waxana uu ka tagay hal kudhagyo siiyaasadeed oo  ilaa maanta iyo cid kasta oo dunida kusii baaqi

noqota anfacaysa, dhib iyo rafaad ayuu usoo maray yoolka iyo ujeedooyinka uu u hal gamayay waxana uu xabsi ku qaatay muddo ku siman 20 sano oo ah intii cimriga u qaalisanayd, akhiiran waxa uu ku gulaystay oo uu hantiyay hogaangii dalka waxana uu noqday madaxweyne sanadii 1994 , waxa uu iska ilaawayay dhibtii iyo eedaadkii ay badeen cadaankii tirada yaaraa ee xooga ku haystay dadka madawga ah waxana uu ku dadaalay in ay nabad kuwada noolaadaan dadka kala midabka ah ee ku dhaqan South-afrika, waxana uu xukunka wareejiyay iyada oo ay dadka South Afrika cadaan iyo madawba jecel yihiin, manuu ahayn hadafkiisa koobaad in uu kursi helo ama madaxweyne noqdo hase ahaatee ta uu u halgamayay waxa ay ahayd in uu helo dadka south afrika oo isku xaquuqa oo siman oo aanu jirin wax midab takoorii, arintaasina waxa ay  noqotay mid uu ku guulaystay Nelson Mandela.

intaas hadaan ku soo koobo taariikhda Nelson Mandela oo aan u soo noqdo Mr Siiraanyo oo hadda ah madaxweynaha Somaliland, mr siiraanyo waxa uu ka mid ahaa gudoomiyishii  SNM 1984-1990 waxana lagu tiryaa in uu ahaa gudoomiyihii ugu muddada dheeraa ee SNM soo mara, siiraanyo ku muu noqon maamul wanaag in uu ahaado gudoomiyihii ugu mudada dheeraa waxa ay taasi u dhacday siiraanyo oo ahaa nin aad u kursi jecel aakhirkiina iyada  oo khaati laga istaagay bulshadiina uu kala qayb qaybiyay ayaa  laga qaaday.
siiraanyo waa nin uur xun oo caloosha dadka wax ugu qabta qofka ay mar is qabtaana aan waligii ilaawin,waa nin kursi jecel oo mar walba dan dalka ka hormariya masaalixdiisa gaarka ah, waa qabiili, waxana uu aad u yaqanaa siyaasadda xun ee isticmaarkii laga dhaxlay ee qaybi oo xukunta, waxa uu aad u yaqaan sida bulshada la iskaga horkeeno.
hadaan tusaale u soo qaadano sida hadda uu u qaybiyay ergoooyinka xisbiga kulmiye ee uu u arko in uu isagu leeyahay loo qaybiyay saamiga ay beeluhu ku yeelanayaan  waxa lagu saleeyay sidii ay kulmiye beeluhu ugu codeeyeen taas oo aan cuqdad ka madhnayn, isaga oo wali gawska ku haya beelihii Xisbigii UDUB ee baaba’ay u codeeyay ama Kulmiye aan Cod fiican siin.
Guntii iyo gabagabadii siiraanyo maaha shakhsi la agdhigo Nelson mandela
.
Mustafe Mukhtar.
dalsame2018@outlook.com

 

COMMENTS
LINKS