|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkad Shidaalka Baadha Oo Wasiirka Macdanta Ku Haysata Inuu Ka Boobay Dhulkii Ruqsada Loo Siiyey Oo Uu Ka Faasaxay Nin Yemeni Ah
March 28, 2014 - Written by Editor:HARGEISA(Wajaalenews);- East African Resource Group oo ka mid ah shirkadaha heshiisyada shidaal baadhista ah kula jira xukuumada Somaliland ayaa Wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale ku haysata inuu ka boobay dhul (Block 19) oo hore ruqsad loogu siiyey inay shidaal ka baadho oo uu ka faasaxay maalqabeen Yemeni ah. Dhulkan Block 19 ee ay ruqsada u haysatay East African Resources Group oo ku yaala bariga Somaliland ayaa waxa uu wasiirku ka iibiyey Sahir Cabdul Xaq oo ah taajir Yemeni ah oo leh sharikad lagu magacaabo Ansan Wikfs Hadramaut. Wasiirka ayaa sheegay inuu lacag xaqul-qalin ah oo dhan milyan iyo sideed boqol oo kun oo doolar ka qaaday ninka Yemeniga ah oo uu sideedii boqol ee kun ee dollar uu ku wareejiyey Wasaarada Maaliyada inkastoo la sheegayo in wasiirku lacag intaas ka badan ka qaaday Mr Sahir Cabdul Xaq. Hadaba garyaqaanada magacooda la yidhaa Clyde & Co ee u dooda shirkada East African Resources Group oo markii hore wasiirka macdanta ee Somaliland soo gaadhsiiyey qoraalo ay kaga cabanayaan kuna dalbanayaan in loo soo celiyo dhulkan uu shirkadooda ka wareejiyey, ayaa haatan isu diyaarinaya inay maxkamad sharci ah la tiigsadaan wasiirka iyadoo wasiirkuna uu maalqabeenka Yemeniga ah ka codsaday inuu ka bixiyo kharashka garyaqaano Maraykan ah oo uu u qabsaday inay ka difaacaan dacwadan. Xuseen Cabdi Ducaale oo afartii sanadood ee u dambeeyey soo hayey xilka wasiirka macdanta ayaa kalidii maamusha arimaha la xidhiidha heshiisyada lala galo shirkadaha shidaalka kuwaas oo ka wadaxaajoodkooda uu ku soo dhamaysto dibadaha isagoo lagu tiriyo wasiirka ugu dhoofka badan wasiirada Somaliland waxaanay khubarada u wehelka ah arimaha shidaal baadhistu ku tilmaamaan wasiirkii ugu wax-isdaba-waydaarinta badnaa ee ay Somaliland kala kulmaan iyadoo shirkadaha qaarkood ku faanaan inay faro ka hayaan. Wasaarada macdanta Somaliland oo aanu isku daynay inaanu maqaalkan kala xidhiidhno ayaanay noo suurtoobin kadib markii ay naga qaban waayeen telefoonadii isla markaana ay diideen in aanu si fool-ka-fool ah uga waraysano arimahan. HARGEISA SOMALILAND EAMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:“Madaxwaynuhu Haduu Keeno, Sedex Qof Oo Aan Buuxinayn Shuruudihii, Waxay Micnaheedu Noqonaysaa In Aa... DAAWO;-Aas Qaran Oo Loo Sameeyay Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Gobolka Sool Oo Dhawaan Lagu Dilay Ma... Gabadhii Yarayd Ee Laga Xaday Gurigooda Oo Helay +Xogo Dheeraada oo Laga Helayo Cida Xaday Iyo Halka... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|