Shinbirayaw Heesa..Heesa..Hees..Wanaagsan Qaada Halkan Soo Fadhiistoo Kaalaya Hortayda Shibirayaw Heesa…Hees ..Wanagsan Qaada Halkan Soo FadhiistooKaalaya Hortayda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shinbirayaw Heesa..Heesa..Hees..Wanaagsan Qaada Halkan Soo Fadhiistoo Kaalaya Hortayda Shibirayaw Heesa…Hees ..Wanagsan Qaada Halkan Soo FadhiistooKaalaya Hortayda
March 19, 2014 - Written by Editor:
“Shinbirayaw heesa heesa,hees wanaagsan qaada  halkan soo fadhiistoo
kaalaya hortayda shibirayaw heesa hees, wanagsan qaada  halkansoo
fadhiistoo kalaya hortayda
hawlaha ilaluraaya hibatoyikooda  hibo aanku gaadhiyo hoodo waayimaayee
shinbirayaw heesa hees wanagsan qaada halkansoo fadhiistoo kalaya hortayd”””
waa Qiso aad u Qiimo badan waxa loola jeedo ninkii garanaya ayuunbaa
fahmi kara  laakiin
waxa ku dheehan midho aad u mihiim  ah  faalo kabixi waxa ay  uga
jeedan dadkii  sameeyay ama  qaadayayba gar ahaan  abwaankii sameeyay
kkkkk.

waaxan ku xasuustay waa dhacdo dhacdo waliba Xususteda Mudane Waaxanu
ku soo bilaabnay Qarankan Qori Caradi iyo Dhigi Abaayashayo,waaxanu
aad iyo aad ugu Guulaysanay inaanay Hooyadayo inamada yar yar iyo
Hablahaygu Cidhidhi iyo Cuqdad ku Noolaan waaxay helen dhamaan inay
sii Xoor iyo Xalaal ah ugu dhex ganacsadan Suuqyada Magalada Hargeysa
iyo Dhamaan Goobolada Dalko Dhan iyago aan Haysan Hub iyo Ciidan
ilaalo gar ah u ah iyaga oo aay Hantidooda ku Ilashadan Marka Laga
reebo Cidaanka Amaanka Soomaliland.
Guushas oo Dhami waaxay hoos tagtay Oo Gar u Leh ALLE Subaxanahu Waa
Tacala ALLE Sukadi Inamadi Naftooda Huraysha aha ee SNM,Maantana
Ubaadkodi ku Dar Xumaysanyhin Somaliland.
Nasiib Daro Qarankan Waaxa Soo maray Wasiiro kala Duwaan oo Hab Qabiil
ah ku yimada Jagada ay haystan Midba mid ayu ka daran yahay oo u ka
sii Liita ama ka dadal badanyahay,
Madaxweynayaal Geesiyaal ah aya soo Maray iyo Qaar ay Qabyaaladi ku
Mudantahayba Hadana Shacabku Waa Masakiin umana Dhutiyaan Dhibkaas iyo
Darxuumada iyo Diifta Siyaasiyintu ku Hayso,Markasta oo an arko
Noolosha Dad Danyar ah oo Hadana Caashuurta Biyaha Laydhka Iyo
Meeheradaha Sii Wanagsan u Bixinaya iyo Siyaasi ku Tagri Falaaya
Laacagti yarayd ee Masakiinta laga Soo Qaday kuna Bixinaya Dan
Siyasadeed oo u leyahay.

Waaxa Aanu Soomalida Inteeda kale Dheernahay waa Saladiinta,Cuqaasha
iyo Oday Nabadeedka Qaranka Soomaliland,Hadana Siyasi kasta oo Yimada
Soomaliland una Dhashay Marka Xil Loo Dhibo Waaxa u Caashurti
Masakiinta laga Soo Ururiyay ee aanay Dawlaada Dhan ee Soomaliland la
yidha waax Dibada uga Imada Jirin Laagu Bixiya Sidi Suldaan Ama Caaqil
Soo Jireen aha oo Danta Shacbiga Ilaalinaya oo Afka kala Qaday looga
daba Samayn laaha Suldanlaga Soo Daba Ciyarsiyo.
Hadaba Sikasta oo aad u aragto Araagtidan aan qooray waaxan Sanadadan
Danbe Dareemayay Oo indhah Caafimaadka Qaba ay arkayan Waax Qabad
Xukumada Axmed Siillanyo Qabatay,Laakin Waaxa ku Hoos Dugan Wasaradaha
Qaranka ee La Dhisay ee Dabaqyada ah iyo Wadooyinka Wanagsan ee aad
Gaadhigagu ku raxaysanaya markad maraso ku Hoos Dugan Wali Lama
Faahmin.

Dadnimadi waaxa Laga Door biday Dhisme Hargeysi Waa Magaalo Madaxda
Qaranka Soomaliland Waaxay ka Koobantahay Shan Dagmo Amuurta Raabi ee
aad la yabayso Sadeex ka mida Waa Lagu Haradan yahay Waaxana ku Tala
Aqalki Dalka looga Talinayey Qarankan Soomaliland,Ruunti waa Amuur
Yaab leh Laakin Hadana Waaxad Arkaysa Wasiirada Markad Tidha Waar
Ilmadeerayaal Dadkan Haradan Miyaad Waax La Qabatan oo Aad biyo U
Raadisan Waaxay Siyar Kugu Jaawabayan Dad Qarankan Khalkhal galinaya
ayad tihin Miyaydan Araag Nimcada Dalkeena Fadhida iyo Waaxyaabo la
mida.
Waaxan Anigu Safarka Madaxweyne Siilayo Oodhan laha Madaxweyne
Safaarkagu Ma  “shinbirayaw heesa heesa,hees wanaagsan qaada  halkan
soo fadhiistoo kaalaya hortayda shibirayaw heesa hees, wanagsan qaada
halkansoo fadhiistoo kalaya hortayda
hawlaha ilaluraaya hibatoyikooda  hibo aanku gaadhiyo hoodo
waayimaayee ” Waa Hees Ruunti Caajiba ah Dhugasho iyo Dhagaysi Haboon
u Bahan

Cabdiraaxiim Ismaaciil Cabdilaahi (Bidaar)
cabdiraaxim9909@gmail.com
Hargeysa / Soomaliland

 

COMMENTS
LINKS