Sheeko Gaaban Cigaal iyo Cambarkii Waa Qalinkii Maxamuud Cumar Taleex | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheeko Gaaban Cigaal iyo Cambarkii Waa Qalinkii Maxamuud Cumar Taleex
March 3, 2014 - Written by Wariye:

Baddu waa kacsan tahay oo shamaal baa ka qarxay, guuxa iyo gariirka ka baxayana waxaad moodaa kaare cartamaya oo cadow cudud leh cagta marinaya,

Miyaw, miyaw, miyaw… Daafaha tuuladda oo dhan waxa laga maqlayaa bisado ciyaya, qaarbaa ciduba dirqi kaga soo baxaysaa oo aad moodaa inay leeyihiin macaluul, macaluul, macaluul.  kooxo kooxay  u socdaan  badankooduna waxay ku soo urureen Yacada ( halka mawjadu ku soo dhacayso), halka qaar kalena iska daba ka wareegayaan miisaska  xaraashka ee islaamuhu hilibka ku iibin jireen. Dadka yar  ee tuuladda ku hadhay waxay isweydiinayaan cidda bisaasku saaka waxay daaran tahay!

Cigaal wuxuu taagan yahay meel toban talaabo u jirta halka bisaasku ku soo urureen. Waa nin dheer oo maariin ah kulka iyo shaqada adag baa se dhalan rogtey oo madoobaysey, waa buurnaan jirey hada se waa isbedelay oo sidii hore uma shishla. Garan sangaladh

ah iyo surwaal luga gaab ah buu xidhan yahay. Cabaar ka hor buu xaga badda ka soo laabtay, wuxuuna soo baadhay shebeg uu shalay galab badda dhigtay, waa se ku hungoobey oo xataa xabad caydi ah oo uu bariiska ku suqaarsado kama soo helin.

Baddu waa kacsan tahay oo shamaal baa ka qarxay, guuxa iyo gariirka ka baxayana waxaad moodaa kaare cartamaya oo cadow cudud leh cagta marinaya, Kulkana kalxamahaa  laysu keenay oo dhididka dhafoorka ka soo baxaa dhabarkuu ka degayaa.  Qofkii wax haystey waa iskaga hayaamay oo Ooguu u hawo iyo hurdo doontay, Cigaal se wuxuu ka mid yahay dadka yare ee dantu degaanka ku reebtay. Waa danyar oo hantida guurta iyo ta ma guurtada ah midna ma leh. Wuxuu wade ka yahay laash kaluunayste ah oo hadh iyo habeen baduu ku jiraa. Sanadkan baddu waa xumayd oo kalluun badan ma qanban, waxa xaalufiyey doonyo carbeed iyo maraakiib jiriif ah oo xataa meelihiii goomaha ahaa ee kalluunku ugaxda dhigan jirey burburiyey, sidaa daraadeed buu kalluunku u yaraaday xoogaagii uu ka faa’idayna naftiisa iyo masaariifta reerkiisa oo Oogada deganaaba ma soo dhaafin, taas ayaa keentay inuu tuuladiisa iskaga xagaasado oo uu badda maalo waxay u dhiiqdaba.

Nimankii lacagta xoogsadey kuwii ugu danbeeyey usbuucii hore ayay hayaameen , habeenkay alaabta raranayeen waxay ku heesayeen “ Kaa shaqaystaye shamaal kaa qarax”. Qolada xeebta qudhi saa maaha ee kuwa gubankuba waa la qabaan, xagaaga mooyee inta kale guban bay joogaan oo daaq wanaagsan iyo cimilo san ku haystaan. Haddana marka uu xaggaa yimaado gubankuna kululaado ee ay Oogada u hayaamayaan Gubanka way sii hiifaan oo sii haaraamaan iyagoo ku habaaraya “ Ha gubtee guban wayna soo gubey”. Kaaga darane Oogada lafteeda abaal uma hayaane oo markay Gubankoodii ku noqonayaan iyana way sii  habaaraan iyagoo ku heesa “ Ood lagama jaro Oogada maxay ka amaanayeen”.

Cigaal se garey saaka  bisaduhu waxa ay la ciyayaan iyo sababta goobtan cidlada ah isugu keentay. Goobtani waa halkii  marka laashashku kalluunka keenaan madaxyada kalluunka loogu daa’din jirey iyana ay ku kala calaf qaadi jireen xoog iyo xeelad kay doonaanba ha adeegsadeene. Gaajada bisadaha ku habsatey waxa u dheer xaamiga iyo xaraarada cimilada. Xalay samad baa dhacaysey, maantana hawaduba waa taagan tahay oo naqaskaba dirqi baa lagu qaadanayaa. Cigaal mar bisaaskuu eegaa sida  durba gaajadu u dubatey oo ay udhalan rogmeen una dhogor xumaadeen, marna bada baaxada weyn iyo siduu xataa xabad caydi ah uga soo waayey, wuxuuna xasuustay sheeko ahayd buur baa foolatay, foolatay sidii waxay dhasho loo sugayey ayay irbad ifka keentay, iyadu se saaka waaba ka sii liidataayoo xataa xabad caydi ah na carrada uma soo tuurin. Cabaar markii maankiisa iyo maskaxcdiisa fekero midba nooc yahay ku soo qulquleen ayuu dhanka tuulada u dhaqaaqay oo yiri “ Qadar Alle u daa noole kasta calafkiisa Casiiskaa qoray”.

Cigaal miyiga ayuu ku dhashay, kuna barbaaray. Reerkoodu waxay ahaayeen reer guuraa Gubanka dega, xagaagana buurta gala si ay xoolohooda calaf iyo cimilo san ugu helaan, madarka se madhaafi jirin oo Oogaada ma gaadhi jirin waayo oogadu waa ceshiimo oo waa la gobolaystay; madarku se wuxuu ka mid yahay dhulka weli dadka iyo duunyadaba u siman. Cigaal reerkoodu waxay ahaayeen xoolo yarow, ciyaalkoduna ciida iyo camaarkay ka badnaayeen ilayn caydhi wax ka dhal badane. Sidaa daraadeed, waxay ahaayeen qadaa ma dhergaan.

Cigaal gu’gii uu lix iyo toban jirsadey ayuu u adkaysan waayey hawsha badan iyo halaabada yar ee miyiga taal, waayo geel labaataneeyo ah oo Aaran u badan buu hadba meel ku hayn jirey, habeen iyo maalinba ilaalin bay u ahayd. Maalintaa ayuu goostay inuu magaalo u xoogsi tago oo naftiisa meel saaro, reerkana wuxuu tari karo aanu ka hamran. Geella xilkiisana ku wareejiyo Cawaale oo da’ ahaan hoos ugu xigey.

Sababtaa ayaa keentay tuuladda saaka bisaduhu ka ciyayaan mar haday ahayd magaaladda ugu dhow. Laba jeer oo hore ayuu tuuladdan yimi oo mar safar buu reerka u soo doonay marna geellaa meel ku dhow deganaa. Geel jire ayuu ahaa oo biyaha iskuma fiicnayn  iska daa dabaale maydhashaduba mar mar bay u ahayd oo takarta ka biya nebcaa. Sidaa daraadeed, muday ku qaadatay inuu biyaha la saaxiibo oo dabaal barto; Jilaabashada, shabaag dhigida iyo odoroska badu se waqti dheer kuma qaadan kuwaasoo ah arimaha aasaasiga u ah kalluumaystaha.

Cigaal isagoo cagaha jiidaya ayuu tuuladda ku noqday, gurigiisii buuna abaaray, shaah bigaysa ayuu  karsaday  ilayn cadaysna ma  jiro oo xoolihii waa  hayaameenee. Laba koob oo darandoori  ah ayuu kaga tuuray isagoo ku cunay   xoogaa xaniid ah oo seled cariishka ka soo deldelan ugu jirey. Duhurkii ayuu tegey geed dhamasa oo  wiiqa dhigay waa se gam’i waayey oo markuu indhaha is geliyoba naqaskaa qabta markaasuu soo fadhiistaa. Markii danbuu hareerihiisa eegay mise geed kasta ragii hoos jiifay waa wada fadhiyaan, waxana la kala hororsanayaa Ogsojiinta yar ee hawadda ku hadhay, habeenkii se wal wal baa xaga badda ka soo dhacay, goor horaana la kala seexday.

Inkastoo ay weli xagaa tahay haddana baddii waa degtey oo shaqadii waa fududaatay, kalluunkii iyo libaaxiina waa soo bateen. Cigaal kalluun badan buu ayaamahan qabtaa suuq saasa se laguma helo oo gaadiid la saaraan jirin, tuuladduna suuq maleh oo  dadka yar ee ku hadhay bilaash bayba ku lehaan. Kalluunka xagaaga la helaa waa nooca Bayaadka loo yaqaan sida: Qariibka, Doorabka, Shaanka, Salkhoda, Xuduur IWM. Kalluunka inta badan waa shiilaa, qaarna waa muufeeyaa oo cuno ahaan buu u isticmaalaa. Waxuu se lacag fiican ku helaa Dhegaha Libaax Baddeedka,  Aargoosatada iyo Subal-baxarka. Cigaal wer werkii waa ka ba’ay oo reerkiisii Oogada deganaa masaariif fiican buu u diraa, waxna waa u dhigmaan, Xagaagan waaba liibaaney oo sanadka intiisii kaleba waa uga manfac roonaaday. “ Waxaan hoh la odhan haakah lama yari”.

Tuuladdii iyo nawaaxigeedii waa soo camirmeen oo laashash shaqa tag ah, kuwa shaxaaad doona iyo kuwo shilin sita oo dilaaliini wadato ayaa isasa soo dhoobay. Dadkii yaraa ee tuuladda ku xagaasadeyna kalluun baa qarqiyey oo miday shiilaan iyo miday muufeeyaan buu noqday, mar marna waaba  xaniidiyaan haday helaan nooca la xaniidiyo . Bisadihii qaylada badnaa hada cidooda lama maqlo oo iskadaa madax kalluune  mid aan waxba laga jarin bay ku qadeeyaan  kuna  quraacdaan. Dhogor cusub baa ka soo baxday oo waaba da’ yaraadeen, xataa curigii ugu weynaa ee tuuladda caanaka ka noqday ee mudhuxsane dhogor cusub baa ka soo baxday oo isagiiba maaha. Heedhe wax kastaa nabsay leeyihiin.

Cigaal waxa dabeecad u ah sida dad badan oo xeebaha ku nooli sameeyaan inuu aroorta hore xeebiyo (badda xeelilgeeda raaco) bal inuu helo wax baddu soo tuftay, yaalaa waxa la helaa xadhko, qoryo iyo alaabooyin kale, waxa se ugu muhuumsan oo qof kastaa ku hamiyaa waa Cambarka ( Aalad qaaliya oo mar mar nimiriga afkiisa ama dabadiisa ka soo baxda), way se adag tahay si lagu helaa qof nasiib laa na hela.

Saaka goor hore ayuu Cigaal xeebiyey, shalay ilaa xalay baddu waa kacsanayd saaka se waa degan tahay oo waa xawaal, waana buux. Cabaar markuu lugeeyey buu la kulmay walax aad dhagax moodo dusheedu waa cawlaan iyo madow isku jira,  hoostu se waa dahabi dahabi. Kor buu u soo qaaday markiiba se udug aanu hore u arag una maqal baa qaaday, dhulkuu dhigay oo farihiisa  ursaday mise urtii miskiga ka udgoonayd bay leeyihiin. Cabaar buu fekerey oo marba dhan u rogey, mardanbuu se xasuustay inay jirto aalad Camabar la yiraahdo oo calaamadahan leh lagana sameeyo cadaradda caalamka ugu qaalisan.

Cigaal isagoo baala daymoonaya, shaydaankana  iska naaraya ayuu aaladii soo qaaday, waayo wuxuu hore u maqlay  macdanta iyo wixii la halmaala jin baa mulkiya oo hadaan layska naarin waa ku derderayaa. Tuuladdii buu deg deg  ugu noqday. Weli waa goor hore oo cadceeduba haday big soo tiri. Dadkii yaraa ee tuuladda ku hadhay  waa hurdaan, marka laga reebo dhawr nin oo siday salaadii subax u soo tukadeen maqaaxidii Faahiye-gadhle fadhiya oo shaah ku fiiqsanaya iyo dhawr hablood oo yar yar oo foodley ah oo fagaagyada fiiqaya, shaahuna dabka u saaran yahay. Bisaas cad cad baa iyana hadba gees u yaacaya.

Cigaal meelna uma baydhine isagoo fadalka uu tuurayo aad moodo fuley dhiilo sida ayuu gurigiisii toos u abaaray. Aaladiina  dhawr maro iyo boco ayuu ku  duuduubay oo waxaadba moodaa in hawadu ka cunayso siduu maryaha iyo bacaha ugu hilay. Sanduuq oday reer cadmeed ahaan jirey siiyey ayuu furay oo wixii alaab ku jirtey ka soo qufay, aaladii uu siteyna gunta u dhigay, intaa kuma deyne qafil weyn oo saddex  OOO  ah ayuu ku dhejiyey.

Cigaal cir iyo dhul waa hayn la’ yahay wuxu inuu cambar yahayna weli shaki baa kaga jira, waayo Cambarka sheekuun buu ku maqlee shaahid uma arag. Hal amin ah dabadeed wuxuu xusuustay Xaaji Yuusuf oo la sheego inuu beri samaadkii rubuc  Cambar ah helay “ Haa, Alaylehe odaygaa soo kaxay ” ayuu kor ugu qayliyey. Markuu  inyar socdoba hadana guriguu dib isugu soo rogaa oo sanduuqa furaa bal in jinkii la sheegayey la baxay, markasta se wuxuu arkaa isagoo sanduuqii dhex qotoma, intuu kor u soo qaaduu labada qulaacuud iyo qulhuwalaha ku akhriyaa oo dib ugu celiyaa. Dhawr jeer markuu hadba dhan u socday sidii qof la dureerey ayuu ugu danbayntii goostay inaan jina la baxayne uu odayga soo kaxeeyo.

Xaajigu hantiiluu ahaan jirey hada se waa musalafey, dukaan yar oo subaga, malabka, mal malka, fooxa, buuriga iyo wixii la halmaala lagu iibiyo ayuu tuuladda ku haystaa. Waa goblan oo wax caruur ah ma leh, inkastoo waagii uu wacnaa ee waqtigu la jirey uu laba dumar ah oo midi garoob tahay guuradey balse Casiisku wax ciyaala kama siin.

Xaajigii oo kaabada dukaankiisa fadhiya ayuu soo dul istaagey, odaygu kitaab weyn oo xaashiya case ah aadna u gaboobey oo jeldi kartuush iyo maro ah lagu tolay buu akhrisanayaa, “tolow kitaabkani ma boqol sanuu jiraa!” buu cigaal hoos u yiri. In yar markuu odaygii dul taagnaa ayuu yiri “Salaama calaykum adeer?”  Odaydiig se uma jawaab celine quraankiisii buu iska sii watey, ilaa uu baal xoogaa uga hadhsanaa dhameeyey. “Cccalaykuma salaam warraxmah” ayuu mar danbe cod gariir ah ku yiri.  Cigaal baa sii  waday oo yiri “Adeer Xaaji Yuusuf iska waran?” “Iska waran ma xanuun baad nagu ogayd mise umul baan ahay” ayuu odaygiina u celiyey. Cigaal yaab baa Alla u keenay hadalkiina waa ka kala duulay oo waa aamusay,odaygii baa se wado u furay oo ku yiri maxaa kuu diidey “ maxaad ku bariday ama maxaad ku waabariisatay? War dadkan danbena Af-soomaligii baa habaar kaga dhacay” ayuu Xaajigii hadalkiisii sii raaciyey.

Cigaal baa hadalkii qaatay oo yiri “Maxaad ku waaberiisatey adeer” Xaajigii “Bela ma ogiye maxaa kuu daran?” Ayuu odaygii ku jawaabey isagoo ka xun quraanka uu ka kala jaray.Cigaal markuu arkay saaka odayga sida hadalku u dhibayo maba soo ararane warkii oo kooban buu uga tibix siiyey, Xaajigiina wuxuu ugu war celiyey bal waxa uu sheegayo inuu soo qaado oo dukaanka ugu keeno, Cigaalna hawraarsan buu yiri.

Cigaal deg deg buu aaladii u soo qaaday isagoo u dhawraya sidii Ilme abaydin ah. Xaajigii  intaanuu furinba udigii baa qaaday shakina kama gelin in wuxu cambar yahay, ma se jawaabin Ilaa uu furay oo marba dhan u rogey. Markii Xaajigii xaqiijiyey inuu Cambar yahay ayaa miisaanka la saaray wuxuuna noqday hal kiiloo , waa miisaan aad u weyn marka Cambar laga hadlayo. Degaanka ninkii ugu badnaa wuxuu ka helay rubuc iyo nus rodol.

Cigaal farxad buu la suuxi gaadhey, dhidid aan cimiladu keenin baa shax ka soo yiri, hadal badan oo aan  lagu aqoon buu odaygii ku daldalay, Xaajigu se wuxuu u sheegay inuu is dejiyo, Ilaahay u mahad noqo,  si fiican u xafido, lacag fiican ku raadiyo, marka laga iibsadona aanuu alaabin, isna waa la qaatay. Markiiba riyo maalmeed buu galay oo wuxuu nafta kula shawrey isagoo taajirey oo laash iibsadey, guri cadna dhistay, fakhriga faraqa loo shudayna fayaaradda ka xidhay.

Mudo koobanba warkii cambarku waa fiday oo miyi iyo magaalaba waa gaadhey. Baabbuur badan oo rag lacag leh wataan baa tuuladda gabalkii dhaca iyo waagii guduutaba yimaada, iyagoo doonaya inay lacag yar ka siistaan faa’iidada weyna iyagu qaataan. Lacagtii ugu badnayd ee loo gaadhay waxay ahay 15,000$ (Shan iyo toban kun oo doolar), gaashaankuu se u daruuray.

Ayaama ka diba Cigaal Ooguu u soo hayaamay oo wuxuu yimi magaaladda Ceerigaabo wuxuuna kula kulmay nin Faarax la yiraahdo oo inaadeerkii ah oo Imaaraadka ka yimi, dalkana fasax ku soo gaadhey. Waxay isla qaateen inuu ninkaasi Cambarka qaado oo xagaa ku iibiyo mar hadii lacag fiican laga siisanayo. Ninkii todobaadkii xigeyba waa noqday, cambarkii waa iibiyey lacag aad u qaali ah buuna ku helay.  “Rag damac iyo dacar baa dishee” halkuu miskiinkii lacagtiisii u diri lahaa isna xoogaa kala hadhi lahaa ma dhicine lacagtii Akoon uu lahaa buu ku shubtay, lambarkiina waa iska bedeley.

Ayaama ka dib ninkii Faarax ahaa Ingiriiskuu u guurey oo ganacsi ka samaystay. Cigaal habeen iyo maalin wuxuu ku fekeraa  isagoo taajirey oo la daba koco. Bil iyo badh buu qalbi ka taajir  ahaa, maalin danbaa se warkii soo gaadhay oo loo sheegay ninkuu aaminey siduu yeelay iyo inuu lacagtaa ifka ka samro oo aakhiro ajarkeeda sugo. Riyadiisii waxay  noqotay “ hal bacaad lagu lisay”.  “War xumi wedkiyo kaaga daran waalidoo kale”. Talaa ku ciirtay oo inuu huga dhigtuu ku dhowaaday, todobaad buu xaalad nafsaani ah oo aad u daran ku jirey.

Cigaal wuxuu isku ciil kaambiyey hadaad waagii shan iyo tobankii kun iska siisan lahayd , maanta guri saddex qol ah oo reerku kuu dego iyo laash aad isakaga xamaalato waa kuu goyn lahayd, ilayn  “Waxbadso wax beel bay dhashaa”. Todoba casho markuu xaaladaa ku jirey, wuxuu nafta ku qanciyey inay samirto oo awalba aan xoog ka geline Ilaahay cidla ka siiyey, hadeerna uu waayey. Dheef hadii Alla uga qoray ay soo gaadhi doonto, hadii kalena isaga iyo ninkaasi aakhiro ku xisaabtami doonaan.

Ninkii lacagtii ganacsi buu ku galay, oo halkuu Dubey duud xamaal ahaa, Maanjistar  wuxuu noqday ganacsade ladan oo loo shaqeeyo. Gabadh Soomaaliyeed oo Ingiriiska ku kortay buu guursaday, wuxuuna galay nolol fiican. Mudaa waqtigu la jirey oo uu jiif oo jaq ku jirey, nimco aan tacab kaga bixina durduuranayey, taasoo ninkii lahaa ka qatanaa.

Maalin maalmaha ka mid ah baa ninkii Faarax waxaa muran xoogani dhex maray nin dhalad ah dukaankiisana macmiil ka ahaa, waxay ku murmeen lacag yaroo deyna ah oo ninku ku lahaa ninku lacagta horuu u bixiyey Faarax se wuxuu ku adadaystay inaanu bixin, cabaar baa la murmay. Nasiib daro ninkii Faarax ahaa ninkii mindi dukaanka lagaga adeegi jirey buu caloosha kaga dhuftay. Jeelkaa la dhigay, maxakamaduna waxay ku xukuntay lacag badan iyo masaafuris. Lacagtii uu haystey badankeedii waxay noqotay ganaax, isagoo aan waxba sidan baa Madaarka Abuu-dabey oo uu markii hore ka tegey laga soo tuuray.

Qoladii garoonkuna markay eegeen inaanu muwaadin ahayn’e uu markii horeba dalka ciqaamad ku joogey, iyana aanu hada haysan garoonka ayay laba casho ku hayeen maalintii saddexaadna diyaarad bay saareen oo garoonka Berberaa laga s tuuray. Inkastoo Ceerigaabo ay dadkiisii joogeen ma qaban karo oo ninkuu dhacay, iyo magac xumadda u taal buu ka maagay, wuxuuna aaday Hargeysa, ayaama ka dibna dalka Itoobiyuu u dhaafay. Lix biloodba intaanay ka soo waadin wax la sheegay isagoo  Adiisababa Caraqda ku caba oo meelahaa dhac dhaca.

Cigaal markii Xagaagii dhamaaday xeebtiisii buu iskaga noqday oo u xoogsi tegey. Sanadkaasi waa u hagaagey kalluun badan buu qabtay suuq wanaagsana waa ku helay. Xagaagii xigey laash gaar ah ayuu iibsadey reerkiisiina si fiican buu ugu filaaday.

Dhamaad

Maxamuud Cumar Taleex

Kampala, Uganda

Email: Taleex04@hotmail.com

COMMENTS
LINKS