Sheekh Maxamed Xaaji Xiiray Oo Sheegay In Kitaabka Alle Iyo Sunaha Sexeexa Ahi Aanay Kala Saraysiin Magta Raga Iyo Haweenka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Maxamed Xaaji Xiiray Oo Sheegay In Kitaabka Alle Iyo Sunaha Sexeexa Ahi Aanay Kala Saraysiin Magta Raga Iyo Haweenka
March 30, 2014 - Written by Editor:

hargeisa(Wajaalenews)Sheekh Maxamed Xaaji Maxamuud Xiiray oo ka mid ah culimada waaweyn ee reer Hargeysa ayaa sheegay inaanu Islaamka iyo Kitaabka iyo Sunnaha sugan ee Nabi Muxamed (scw) ee sexeexa ahi aanay kala soocin Magta Raga iyo Haweenka, waxaanu tilmaamay in ciddii daliil u haysa Magta Raga iyo Haweenka inay kala sarayso ay ummada u soo bandhigaan, waxaanu intaa ku daray in la kala saaro dhaqanka soo jireenka ah iyo Kitaabka Alle iyo sunaha Nabiga ee sugan.

Sheekh Maxamed Xaaji Xiiray waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab nagu soo booqday xarunta wargeyska Haatuf, kaas oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha Nabiga ee sugani Magta Raga iyo Haweenka may kala qaadin,  Sheekh Maxamed Al-qasaali wuxuu yidhi, Aayada Magta ka hadashaa ma kala soocayso Magta Raga iyo Haweenka.

Cida tidhi dhiiga Haweenka ayaa ka jaban ka Raga waa sheegasho been ah”

Axaadiista Rasuulka (scw) ee sexeexa ahi ma kala qaadayso Magta Raga iyo Haweenka, waxaan qirayaa inay tahay dhaqan soo jireen ah oo muslimiinta iyo Soomaalidu ku dhaqmi jireen muddo dheer. Daaliil kama haysato Kitaabka Qur’aanka iyo sunnaha sugan ee Rasuulkeenii Muxamed (scw).

Sidaa darteed hala kala qaado Kitaabka Alle iyo sunnaha Rasuulka ee sugan iyo dhaqankeena iyo ka muslimiinta oo qalad iyo saxba yeelan kara, balse dad meel wada degani wax way ku heshiin karaan, laakiin kitaabka Alle iyo sunnaha sugan inay u nisbeeyaan maaha in Magta Ragu ka badan tahay ta Haweenka.

Anigu kama hadlayo dhaxalka iyo maraga Haweenka way ka duwan yihiin, waxaanse ka hadlayaa magta oo kaliya, hadalkana maaha in la talaabiyo ciddii leh Kitaabka iyo sunnahaa sheegay Magta Raga iyo Haweenka way kala saaraysaa daliilkeeda ayaa laga rabaa inay ummada u sheegaan

Fatwada oo balaadhana waxa ka hadlay Dr Yuusuf Al-qardaawi, qofka in la cabudhiyo oo la yidhaahdo ma hadli kartid fikirkaagana ma cabiri kartid waa aafo ummadeed.

Culimada xaq u dirirka ahina arrinkaasi sida uu xaqa u yahay ummada haw sheegaan.

Ma Kitaabka iyo sunnaha ayaynu u hiilinaa mise dhaqanka ayaynu u hiilinaa?

Ninka culimada ah maaha inay caamadu hagto oo kolba waxay jecel yihiin uun uu u sheego.

Hadalkaasi aniga ayuu gaar iigu yahay, isla markaana cid aan ku matalaa ma jirto waa fahamkayga gaar ah

 

wajaalenews.net

COMMENTS
LINKS