Ruushka iyo Maraykanka oo isku mari la’ Xaalada Ukraine | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ruushka iyo Maraykanka oo isku mari la’ Xaalada Ukraine
March 31, 2014 - Written by Editor:

WAJAALENEWS);Xoogaga kala jiidana awooda dunida ayaa shir ay iskugu yimaadeen wasiiradooda arimaha dibadu midba dhiniciisa u sheegay aragtida wadahadaladooda waxaana ka muuqatada falafogaansho siyaasadeed

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka, John Kerry, ayaa sheegay in labada dhinac ay wadahadalka daacad u ahaayeen, isla markaana ay ka go’an tahay in ay xal diblomaasiyadeed gaaraan.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa sheegay in ay fikrado kala duwan labada dhinac soo bandhigeen, balse ay isku afgarteen baahida loo qabo in xal diblomaasiyadeed laga gaaro Ukraine.

Mr Kerry ayaa dhankiisa sheegay in xalka ugu dambeeya ay gaari karaan dadka reer Ukriane, Mr Lavrov-na waxaa uu carabka ku adkeeyay in Ruushka uu diyaar u yahay la shaqeynta Ukriane.

Mr Kerry ayaa dhanka kale dalbaday in Ruushka uu ciidamadiisa ka qaado soohdinta uu la wadaago bariga Ukraine

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS