|
|||||
WAJAALE NEWS
Riyaha oo Noqday Qaar ka caqli badan sidii la moodayay(daraasad)
March 26, 2014 - Written by Editor:Saynisyahanno u dhashay dalka Britain ayaa ogaaday in riyuhu aad uga caqli badan yahiin sidii horey loo malaynayay. WAJAALENEWS);Khubarada ayaa tajaabo xiiso badan ku sameeyay xayn riya ah, kuwaas oo loo tababaray sidii ay cunto uga soo bixi lahaayeen sanduuq meel sare laga soo laa laadiyay. Khubarada ayaa bil kaddib tijaabiyay xasuusta ay riyaha u leeyihiin waxa la baray, waxaana ay tijaabo kale sameeyeen 10 bilood kaddib. Waxaa u cadaatay in riyaha ay si wanaagsan u xifdiyeen tababarka. Dr Elodie Briefer, oo wax ka qoray baaritaanka, ayaa sheegay in xasuusta riyaha iyo muddada yar ee ay ku barteen ay muujinayso xasuustooda dheer. Baaritaan waqti qaatayRiyaha ayaa loo kala qaaday laba qeybood, kuwo waxaa loo soo bandhigay ri’ horray loo carbiyay oo furaysa sanduuqa, halka kuwa kalana aan waxba loo soo bandhigin. Dr Briefer, ayaa sheegay in ay ogaadeen in riyaha aan fursad loo siin in ay daawadaan tijaabada ay si la mid ah kuwa kale tababarka ugu guuleysteen. Dr Briefer ayaa intaa ku daray in riyaha ay door bidaan in ay iskood wax u bartaan oo aysan kuwa kale ka fiirsan. Waa markii ugu horreysay ee ay khubarada Sayniska baaritaan noocan oo kale ah ku sameeyaan xoolaha la dhaqdo, waxaana ay taasi ka turjimi kartaa qaabka ay ula noolaadaan bani’aadanka iyo sida ay geedaha duurka ugu noolaadaan. Dr Alan McElligott, oo isna wax ka qoray baaritaanka ayaa sheegay in arrintan cusub ay muujinayso in riyaha ay caqli leeyihiin, oo ay baran karaan waxyaabaha adag Related posts:DAAWO ; Wasiirkii Hore Ee Arimaha Gudaha Oo ka Hadlay Sobobta Uu Ku Doortay In Uu ku Biiro Wadani Iy... DAAWO;-Maxaad Kala Socotaa Xadiga Miisaaniyada Komishanka Doorashooyinka Qaranka! Aqoonyahan Mustafe... Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Tababar Usoo Xidhay Cutubyo Kamid Ah Ciidamada Qaranka COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|