RAGII AAKHIRO U KACAY HADAAN EEBE KAGA TOOSAY SAW WAXAN ILOOBAB NIN XUMI IMA OGAYSIIYO;MUJ Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
RAGII AAKHIRO U KACAY HADAAN EEBE KAGA TOOSAY SAW WAXAN ILOOBAB NIN XUMI IMA OGAYSIIYO;MUJ Cali Guray
March 10, 2014 - Written by Editor:

MUJ cali maxamed yusuf ayaa caawa mar uu bogiisa facebook soodhigay qoraalkooban oo mecno way xanbaarsan uuna ku hogo tusaaleeyay bulshada somaliland gaar ahaan Reer Sh. Isaxaaq laba iskuma helaan eh mid ha doorteen
in ay yihiin dad xaq darro diiday oo dulmi iyo cadaalad darro ka dagaalamay oo adkaaday oo libtii iyagu la huleelay oo “GUUL TIRSANAYA” iyo hadana in ay dad laciilay oo la gumaaday oo laga adkaaday oo ” CIIL QABA” yihiin. Ciilka in uu qabo ma waxa leh ka guulaysta mise ka laga guulaysto ee laga adkaado?. Xasuuqu marka ay dagaal guushiisa iyo guuldaradiisa tahay ma qayb buu ka yahay mise kama aha?. Aniga waxay ila tahay kama aha ee marka aynu nidaamka gaalada iyo shuruucda ay inoo dhigeen eegno waxa loo arki karaa DHAGAR LAGA GALAY BINI AADMINIMADA lakiin marka aynu muslin nahay xaalku wuxu noqonayaa kow ajalo hoodi dhamaadeen oo ilaahay looxal maxafuudkiisa ku sii qornaa, sida cid wal oo kale ba, goorta iyo sababta mawdkoodu. Cid kasta oo naf ku goosay xaq darro na ilaahay maalinta qiyaame wuxu waydiin doonaa ” WAA MAXAY DENBIGA LAGU DILAY”(Bi ayi dembin qutilat).

Sidaa daraadeed anigu hadalkii gudoomiyaha Kulmiye maan wada qaadan waayo ma ihi mana noqon karo nin adkaaday oo hadana ciil qaba cidda uu u qabo na aan runtii garanaynin. Intii dhimatay Alleh Ha U naxariisto in aan ku dhaafo mooyee in aan u aaro waxan ka door bidayaa in aan inta nool noloshooda ka taliyo waayo wax kasta oo la sameeyo kuwii dhintay iigu soo noqon maayaan. Maanta aniga xaal kaygu waa:
RAGII AAKHIRO U KACAY HADAAN EEBE KAGA TOOSAY
SAW WAXAN ILOOBAB NIN XUMI IMA OGAYSIIYO;

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS