QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!! By: FAYSAL CUMAR MADAR (Faysal Qumuj) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
QAWDA MAQASHII WAXNA HA U QABAN!! By: FAYSAL CUMAR MADAR (Faysal Qumuj)
March 4, 2014 - Written by Editor:
Rabow noo barakee dalka  , Rabow Balamaheena haka dhigin kuwii Xukumadan,Rabow  dimiquraadiyadeena ha ka dhigin tu  laysku yeedhiyo sida Xisbi  Xaakimka. Akhriste aamiin ii dheh.

Sanadkii 2000 waxa laga hirgaliyay Somaliland qorshe lagu aas aasayo kabayaasha dhaqaalaha iyo qorshayaal shaqo abuur oo loogu raadinayo hindisayaal suuq gayn ah oo loogu raadinayo sidii wadamada geeska loogu xidhi lahaa dakada Berbera, hadaba sitaasi uga hirgasho dalka ayaa waxa uu madaxweyne Cigaal (ALLE HA U NAXARIISTEE) march 2000 digreeto ku sameeyay (The Road Sector Administration Board (RoSAB), the Somaliland Roads Authority (SRA) and the Road Fund Administration (RFA). All three bodies were institutionalized in March 2000 by the “Road Sector Administration Decree”). Sadexdan hayadood oo midkastaa shaqo gaara haysay ayaa masuuliyadoodu ahayd habaynta,hagaajinta iyo hirgalinta qorshayaasha kaabayaasha dalka gaar ahaan wadooyinka iyagoo sahmin iyo hab banyaal ah u wadaya hawsha loo xilsaaray waxaana fulinta hawshan uga masuula qaranka hayada wadooyinka qaranka (SRA).

Hayadahasoo kaashanaya EUROPIAN COMMISSION ayaa waxay hore inoogu hirgaliyeen biriishyada u dhaxeeya burco ilaa kala baydh eek u dumay dagaaladii dib u xoraynta dalka waxa kale oo xukamadii cigaal ee xiligaasi ku kabaysay kharash ay ka heli jireen shidaalka oo calaa foosto loo saaray waxa lacagtaa loo qorsheeyay joogtaynta dayactirka wadooyinka dalka . da’daalada badan ka dib waxa ay  Dawladii Marxuum Cigaal qorshaysay xukumadii Rayaale sii waday hirgalinta mashruuca  BERBERA CORRIDOR INFRASTRUCTURES.

Wadadada mashruucan qorsheeyay oo dhererkeedu dhanaa 937km oo 696km kamidii ay ahayd Ethopia dhexdeeda halka 241km ay ahayd Somaliland dhexdeeda Berbera ilaa Tog-Wajaale, Lacagta   mashruucaa waxa lagu qiyaasay  $347,8,8,240 (sadex boqol iyo todoba iyo afartan milyan sideedboqol iyo sideedkun lababoqol iyo afartan dollar ), waddadaa oo 30 sano cimrigeeda loogu  talagalay ayaa 7sano qorshaheeda  lawaday daraasadiisa (feasibility study of the regional transport sector in the Berbera corridor).

Waxa kale oo daraasada  mashruucan ka mid ahaa in kor loo qaado tayada iyo xirfada kastamada iyo ciidamada amaanka dalka si mashruucan oo lagula tartamayay Dekadaha gobolka iyadoo laqiimayanayay dhawaanshaha islamarkaana laqiray  in dakada Berbera ugu dhawdahay Adiss Ababa xitaa musawa oo Eretariya ah, marka aan lagu darin   Djabouti.

Markii arimahaa la eegay  waxa mashruucan laisla go’aansaday wado dhererkeedu yahay 241km balaceedu yahay 6.8mt qaradeeduna tahay 15cm, oo aan lahayn bridge korka mara ee loo sameeyo irish bridge iyo biraha wadada la agraaciyo meelaha dhulku kala dheeryahay, iyo waxa kale oo la qorsheeyay  7km oo magaalada Hargeisa waqooyiga ka marta oo dawlada hoose ee Hargeisa ku daraysay oo loogu talagalay si aanay magaalada saxmad uga dhigin xiliga ay u gooshayaan Ethopia gaadiidka waaweyni.

Markaad ka duusho warbixinta sare ee aan kor ku sheegnay qaybo ka mid ah oon is lahaa waa qorshe wax ku olla, ayaa waxa fulinayay , dabagalayay oo qorshaynayay sidii loogu talagalay haayado sadex ah oo marxuum Cigaal degreeto  ku aasaasay, kuwaas oo kala ah  SRA, (RoSAB), iyo (RFA).

Waxa iswaydiin leh halkee ayay hayadahani ku danbeeyeen, jawaabtu way fudududahay, saa bisinkaba lalama sugine waxay ka mid ahaayeen lamahii dawladeed ee malaha Kulmiye cadhadii mucaarad nimo kula dhacay, mooji Iyana UDUB ahaayena malaha markiibana hawadaa laga saaray.

Waxa qosol ka joogaa halka loo badalay shaqadoodii ay biriishyadii burburkii dagaalada ku dumay dib ugu dhiseen, iyagoon xiligaa idaacadqudhana laga sheegin ardeyna shilin looga qaadin .shaqadoodii waxa la wareegtay guriga wayn oo malaha u aragtay in dhaqaale maro.   Waxa laga dhigay laan hoos tagta Wasaarada Madaxtooyada,oon shaqo ku lahayn adeegyada horumarinta balse ku kooban Arimo maamul.

Madaxtooyadu ma jacayl ay wadooyinka u hayso ayay cidkale ugu aamini wayday , jacayl maba aha baaba lagaa yidhi aragtidayda , ee waa mashquulin iyo in reer waliba wado jiito oo ku xiiqo, madaxtooyaduna ugu sacabo tunto oo hadba tidhaa dhaqaale ahaan wixii Xukuumadda ku soo hagaaga waanu ku daraynaa wado hebla’e ee dadka deegaanku ha  wado. Waxay gaadhay in aan tuulana tuulo u gurman ee la is-barbar waddo Sagaal waddo oo isku meel ama dhul aan waxba isku jirin ku wadda socda, kuwaas oo aan midkoodna haddii la eego bishii Boqol gaadhi marin iska daa maalintii’e. sidaas darted, waxaa is weydiin leh, baahida iyo waxa lagu daboolayo midka horeeya.? Waxaan ka waddaa qorshe iyo nidaam la’aani waxay horseedaa burbur xataa hadii daacad laga yahay abaabulkeedana looga jeeday wax fiicani haka soo baxeen oonay ahayn olole taageero lagu raadinayo .

Arintu hadii ay farsamo iyo wax qabad tahay uma baahna I arkaay, ee umadaa ka jawaabay sa waxii wanaagsan ee soo kordha iyo qawda maqashii waxna ha u qabanta labadaba. Aan tusaale soo qaato, dhawaan waxaa Hargeysa lagu qabtay Xaflad madaxtooyadu doonaysay inay ku soo bandhigto dhaqaalaha loo ururiyay Jidka Ceerigaabo,  Xafladaa oo lacagta lagu diyaariyay lafteedu su’aal dhalisay maadaama ay laba Km dhisi karaysay. Xafladaas waxaa ka soo baxay in aan dhaqaalihii lagu yaboohay weli soo wadda bixin inkastoo ninka akhriyay laftiisu qaybka ahaa shakiga dhashay hadana waxay muujinaysaa  in nin walba xaafadoodda wado qabyo u tahay. Waxaan maqlay…Islaan -baa ninku tidhi waar hebelow lacag I amaahi , odayga lacagta laga daysanayay oo yaqaanay habarta ayaa ku yidhi heblaay ma inagiibaa taa iskula nimi , deedna wuxuu sii raaciyay maxaynu isku aamini labadeenu , habartii oo aad qaylinaysa ayaa kor u tidhi waa tii ilaahay icadaabaa waankuusoo celinayaa , alla taasi waa gurigaagiiye meelkale ku dhaaratid.” Xaasha odhan mayno Xukuumadda idinma aaminayno sidda Islaantaas ku dhacday oo afkayga maaha..Laakiin, waxaan leeyahay wixii indho-arkaan ayay Ilko-gooyaane la yimaadda nidaam suura-gelin karra in umadu aaminto wax-qabadka aad ku dhago barjayseen ee wax-qabad la’aanta u muuqda.

COMMENTS
LINKS