Qarax Nooca Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ammaanka Maamulka Jubba. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qarax Nooca Miinooyinka Dhulka Lagu Aaso Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Ammaanka Maamulka Jubba.
March 1, 2014 - Written by Wariye:

kismaayoMuqdisho(Wajaale News):-Qarax nooca Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa manta gudaha magaalada Kismaayo lagula eegtay gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda maamulka Jubba.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxa uu ka dhacay xaafadda Calanleey gaar ahaan garoonka weyn ee Isbartiibo Feekiyo, waxaana qaraxan lala beegsaday gaari nooca raaxada oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubba.

Goobjooge ka agdhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa HOL u sheegay in uu arkayay burbur xooggan oo gaaray gaadiidkii qaraxa lala beegsaday.

Ma cada ilaa imika khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, haseyeeshee afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar Maax oo aan la xiriirnay ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay gaari ay wateen ciidamo ka tirsan kuwa maamulka, wuxuuna xusay in aysan jirin cid wax ku noqotay.

Ilaa imika ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkan, waxayna arintani kusoo beegmeysaa xilli kalfadhigii ugu danbeeeyay ee golaha wasiirada maamulka Jubba guddi gaar ah loogu xilsaaray arimaha ammaanka degmada Kismaayo.

 

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS