Qalabkii hawadeena inoo maamuli lahaa wixii soo galla iyo wixii ka baxa oo khuseeya isgaadhsiinta ayaanu hirgalintiisa Gacanta ku hayna.”Wasiirka Boosaha iiyo isgaadhsiinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qalabkii hawadeena inoo maamuli lahaa wixii soo galla iyo wixii ka baxa oo khuseeya isgaadhsiinta ayaanu hirgalintiisa Gacanta ku hayna.”Wasiirka Boosaha iiyo isgaadhsiinta
March 23, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Wasiirka Wasarada Boosaha iyo isgaadhsiinta ee Somaliland Md.Maxamed Jaamac Abgaal ayaa ku dhawaaqay in ay wasaradiisu dhawaan ay hirgalinayso qalab isgaadhsiinta Somaliland gooni uga dhigay, isaga oo sheegay in aanay dib Somaliland u isticmaalidoonin furihii khadka isgaadhsiintaa Somaliya ee haataan la isticmaalo.

Wax kale oo uu ka hadlay shirweynaha xisbiga kulmiye ee Qabsoomila isaga oo xusay in xisbigu yahay xisbi dimuqaardi ah wax badan laysla meel dhigayo.

Sidaasi wax uu ku sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Xafiiskiisa magaalada hargeysa.

Wasiirka oo ugu horeyn ka hadlaya “Waxaan halkan ka cadeynayaa in qalabkii hawadeena inoo maamuli lahaa wixii soo galla iyo wixii ka baxaya oo isgaadhsiinta khuseeya aanu dhawaan hirgalindoono, shaqaalaha hawshaasi qabandoona  wasarada ayey joogaan, wax kale oo jira dad badna oo reer Somaliland ah oo faro badan oo qalabkaasi  i ku shaqeyn kara.”Ayuu yidhi.

Wax kale oo uu ka hadlay Dib udhaca ku yimid shirweynaha Xisbiga kulmiye.“Runtii dhawr jeerbaynu maqalnay kulmiye shirkiisii ayaa dib u dhacay, anigu qof ahaan waxaan qabbaa kulmiye in uu murmo, kulmiye waa in uu isqabsado, kulmiye waa in uu dodo sidda xisbi kasta laga rabbo, waayo wax la rabbaa in uu ka soo dhex baxo masuulkii la hordhigi lahaa doorashada ku-xigta tan ina soo dhaaftay ee shacbiga reer Somaliland oo dhammi ay dooran lahayeen oo ku guuleysan lahaa doorashada soo socota, haaddii aanu kulmiye aad dhexdiisa isku hubinin dee wax iska soo bixi kara qof barri guuldaro xisbiga u keena, haaddii aanu kulmiye qof fiican keenin bulsahduna dooranmayso, marka qofkii fiicnaa ee guusha soo hoynayey ayaanu iska dhex baadhayna.”Ayuu yidhi

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS