Maxkamada Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Xabsi Daa’im Ku Xukuntay Taliyihii Saldhiga Daloodho Ee Hargaysa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxkamada Ciidanka Qaranka Somaliland Ayaa Xabsi Daa’im Ku Xukuntay Taliyihii Saldhiga Daloodho Ee Hargaysa
March 3, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(WAJAALENEWS);Maxakamadda Sare ee Ciidamada Somaliland ayaa maanta Xabsi Daa’im ku xukuntay Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhiga Daloodho ee Hargeysa.

Qoraal ka soo Baxay Maxakada Sare ayaa lagu sheegay inuu ku cadaaday Dambi ah Dil uu kula kacay Marxuum Cabdiraxmaan Cawil Xasan Xuseen 16 jir ahaa.

Hadaba Warsaxaafadeeda Ay Soo Saartay Maxkamada Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Nuqul Ka Mid Ahi Soo Gaadhay Shabakada Wararka Ee Wajaalenews Ayaa Waxa Uu Udhignaa Sidan.

“Maxakamada Ciidanka Qaranku waxay soo saartay Xukunkan Maanta oo Taariikhdu tahay 03/02/2014, kaasi oo Xabsi Daa’im lagu xukumay Gacan ku dhiigle Maxamed Aw Cabdi Jaamac oo hore u ahaa Taliyihii Saldhiga Daloodho, oo dilay Marxuum Cabdiraxmaan
Cawil Xasan Xuseen oo 16 jir ahaa Magaca Hooyadiina la yidhaahdo Kawsar Good Iimaan markii taariikhdu ahayd 31/8/2012.” Ayaa lagu sheegay Qoraal ka soo baxay Maxakamada Sare ee Ciidanka Qaranka waxaana qoraalkaasi ku saxeexnaa Gudoomiyaha Maxakamada Sare Ciidamada Qaranka Xasan Aadan Sugule

WAJAALENEWS DESK
HARGEISA OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com.
COMMENTS
LINKS