Maxaa Ka Jira Hablaha Heerinka Ah Ee La Sheegay Inay Hindiya Uga Yimaadeen Guur?xaga somaliland | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Jira Hablaha Heerinka Ah Ee La Sheegay Inay Hindiya Uga Yimaadeen Guur?xaga somaliland
March 25, 2014 - Written by Editor:

(Wajaalenews)Rag badan oo tahli karri waayay guurkan qaali-garoobay ayaa ku farxay….hablo badan….”

 

Boorama, (wajaalenews) – Qaar badan oo ka mid ah haweenka iyo gabdhaha Boorama ku nool ayaa cadho ka muujiyey warar aan la xaqiijin oo sheegayay inay Boorama tageen Gabdho ka yimi dalka India oo guurdoon ah.

 

Sida uu ku soo warmay Wariyaha Saxafi ee Gobolada Awdal iyo Selel Maxamed Cumar Sheekh, sheekooyinka amuurtan la xidhiidha ayaa todobaadkii hore la isla dhexmaray magaaladda Boorama. Kuwaasoo loo dhigay hanaan ka turjumaya dhaqanka Dalka Hindiya oo raga siiya gaba’ iyo hanti lagu doono, halkii ay ka ahayd in gabadha qoyskooda la siiyo yarad. Waxaana sheekooyinka la isla dhexmarayay sheegayeen in aanay haweenkan reer Hindiya oo tiradooda lagu sheegay 22 hablood, raga guursanaya ku xidhayn wax shuruud ah oo la xidhiidha dhaqaale. Hase ahaatee, arrintan ayaa markii danbe loo waayay xaqiiqo ahaan. Iyaddoo sheekaddu u muuqatay mid rag ujeedo ka lihi sameeyeen.

 

 

“Horta rag badan oo tahli karri waayay guurkan qaali-garoobay ee xoolaha badan ku kacaya ayaa ku farxay oo baadi-doon u galay haweenkan la sheegay inay guur doon yihiin oo ay Hindiya ka yimaadeen. Hablo badana cadho ayaa ka muuqatay mid la qabo iyo mid aan la qabinba. Laakiin. waa la waayay oo xattaa Huteelo lagu sheegay inay ku soo degeen oo Magaaladda ku yaala ayaa su’aashoodii wareerisay. Kuwaasoo ay u tagayeen Rag doonaya in ay arkaan iyo haween doonaya inay dilaan.

 

” Sidaas ayuu ku yidhi Wariyuhu warbixintiisa. Waxaana uu intaas ku daray oo uu yidhi. “Haweenka ama gabdhaha Boorama oo aan qaarkood  wax ka weydiiyay warkan siday u arkaan,ayaa ku jawaabay in hadii ay arkaan haweenkaasi ay magaalada ka saari doonaan, maadaama raggii guurkooda ku bixin lahaa dhaqaaluhu  ay haweenka Hindida ah ka heleyaan dhaqaale  iyaga dib loogu guursado, waanan raadinaynaa ayey tidhi gabadh la baatan jir ku dhaweyd oo ka mid ah gabdhaha magaalada.” Sidaas oo ay tahay lama arrag haweenkaasi meel ay jaan iyo cidhib dhigeen. Waxaana uu warkaasi noqday mid aan jirin oo aan xattaa la heyn cidda hal-abuurtay. Balse lagu war helay uun isaga oo magaaladda dhexqaaday

COMMENTS
LINKS