|
|||||
WAJAALE NEWS
Magaalada Burco Oo Si weyn Looga Xusay Maalinta Haweenka Oo Ku Beegnayd 8 March.
March 8, 2014 - Written by Wariye:Hargaysa(Wajaale News):-Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa maanta laga xusay Maalinta Haween Weynaha Dunida oo sanad kasta bisha 3-aad, 8-da laga xuso dunida. Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay haween ay ka mid yihiin Marwo Ayaan Muuse Nuur oo ah wakiilka ururka Nagaad ee Gobolka Togdheer, Caasha xasan oo ka socotay Nagaad iyo Faysa Jaamac oo ku hadlaysay afka Hay’ada Caritas ,Dhamaantoodba waxa ay iska dabo mareen in maalintani ay tahay mid ku weyn haween weynaha dunida, si gaar ahna haweenka reer Somaliland ay soo dhaweynayaan. Waxa isna munasibadaasi furay Badhasabka gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye oo ka jeediyay khudbad baladhan oo tabanaysay kalmaha ay haweenku ugu jiraan Dunida waxa uu soo qatay tusalooyin ka turjumayay mudnanta ay haweenku layahiin badhasabka oo hadalka si wata ayaa waxa uu yidhi “Dunidu may jirteen qof magac iyo sharafba ku leh bulshada hadaan hooyo ama gabadhiisu anay barbartagnayn oo anay had iyo goorna talo iyo tusaalaba anay sinaynin guusha uu ku fanayo mu gadheen ayuu tidhi badhasabku Waxa iyana munasabadi ka hadlay usuduwaha wasarada arimaha bulshada Ismaacil Axmed ,g/ku xigeenka wasarada waxbarashada gobolka togdheer Xasan Jamac ,gudoomiyaha jamacada Burco pro Salebaan Dirir Asha Cali Qabiile oo ah agasimaha wasaarada arimaha bulshada Ugaaso oo ka socatay ururka nabada oo si isku mid ah usoo dhawayay muhimada iyo mudnaanta ay leedahay malintani in la xuso waxa kale oo ay ka hadleen caqabadaha hadhayay haweenka ee haysta iyo waliba tacadiga lagula kaco haween waynaha iyaga oo hadalkood si wata aya waxay amaan baladhan ujeediyeen haweenka kalmaha ugu saraya ka galay Dunida iyo dalkan Somaliland Wajaale News Related posts:Xukuumada Oo Xidh Xidhay Qaarkamida Gudidii Qaban Qaabada Shirka Beelaha Gar-xajis Iyo Siyaasi Buba... Gudoomiye Cabdilaahi Dirawal Oo Si Wayn Uga Cadhooday Qodob Kamid Ah Go,aamadii Ay Soo Saareen Beesh... Wasaarada Waxbarashada Ee Gobolka Gabiley Oo Xadhiga Ka Jartay Dugsi Laga Hirgaliyay Deegaanka Ilin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|