Magaalada Burco Oo Si weyn Looga Xusay Maalinta Haweenka Oo Ku Beegnayd 8 March. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Magaalada Burco Oo Si weyn Looga Xusay Maalinta Haweenka Oo Ku Beegnayd 8 March.
March 8, 2014 - Written by Wariye:

malinta haweenkaHargaysa(Wajaale News):-Magaaladda Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa maanta laga xusay Maalinta Haween Weynaha Dunida oo sanad kasta bisha 3-aad, 8-da laga xuso dunida.
Munasibadan oo soo qaban qaabiyeen Dalada Haweenka Ee Nagaad iyo Hay’adda Caritas, waxaana ka soo qayb galay Maamulka Gobolka, Xildhibaan iyo waliba dadweyne kale oo aad u tiro badan.

Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay haween ay ka mid yihiin Marwo Ayaan Muuse Nuur oo ah wakiilka ururka Nagaad ee Gobolka Togdheer, Caasha xasan oo ka socotay Nagaad iyo Faysa Jaamac oo ku hadlaysay afka Hay’ada Caritas ,Dhamaantoodba waxa ay iska dabo mareen in maalintani ay tahay mid ku weyn haween weynaha dunida, si gaar ahna haweenka reer Somaliland ay soo dhaweynayaan.

Waxa isna munasibadaasi furay Badhasabka gobolka Togdheer Maxmed Muse Diriye  oo ka jeediyay khudbad baladhan oo tabanaysay kalmaha ay haweenku ugu jiraan Dunida waxa uu soo qatay tusalooyin ka turjumayay mudnanta ay haweenku layahiin  badhasabka oo hadalka si wata ayaa waxa uu yidhi “Dunidu may jirteen qof magac iyo sharafba ku leh bulshada hadaan hooyo ama gabadhiisu anay barbartagnayn  oo anay had iyo goorna talo iyo tusaalaba anay sinaynin guusha uu ku fanayo mu gadheen ayuu tidhi badhasabku

Waxa iyana munasabadi ka hadlay usuduwaha wasarada arimaha bulshada Ismaacil Axmed ,g/ku xigeenka wasarada waxbarashada gobolka togdheer Xasan Jamac ,gudoomiyaha jamacada Burco pro Salebaan Dirir Asha Cali Qabiile oo ah agasimaha  wasaarada arimaha bulshada Ugaaso oo ka socatay ururka nabada oo si isku mid ah usoo dhawayay muhimada iyo mudnaanta ay leedahay malintani in la xuso waxa kale oo ay ka hadleen caqabadaha hadhayay haweenka ee haysta iyo waliba tacadiga lagula kaco haween waynaha  iyaga oo hadalkood si wata aya waxay amaan baladhan ujeediyeen haweenka kalmaha ugu saraya ka galay Dunida iyo dalkan Somaliland

Wajaale News
Hargaysa Office
Email:wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS