|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Silaanyo Oo Xeer ku dhaqan-geliyey xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.
March 3, 2014 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED HARGEISA(WAJAALENEWS);Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu Xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2296/032014, ku dhaqan-geliyey xeerka Aasaasidda Guddida Hoggaaminta Diiwaan-gelinta Muwaadinka iyo Guddi Hawleedkeeda.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 94aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Arkay: Qodobka 3aad ee Xeerka Jinsiyadda, Xeer Lr. 22/2002 oo waajibinaya in muwaadiniintu helaan aqoonsiga muwaadinimo; Markuu Tixgeliyay: Siyaasadda Golaha Wasiirradu ansixiyeen ee ay ku go’aamiyeen in la sameeyo Diiwaangelinta muwaadinka; Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la helo Diiwaangelinta muwaadinka oo laga sameeyo Dalka oo dhan si loo helo xog sugan; Markuu Yaqiinsaday: In Diiwaangelinta Muwaadinka ay udub-dhexaad u tahay isla markaana fudaydinayso in la helo diiwaangelinta codbixiyaha oo u gogol xaadhaysa in la helo doorasho xor oo xalaal ah; Markuu Xaqiiqsaday: In ay tahay daruuri in la sugo muwaadiniinta reer Somaliland si loo xaqiijiyo in ay codeeyaan muwaadiniinta oo keliya; Markuu Garwaaqsaday: In la dardar-geliyo loona qabto hawsha Diiwaangelinta Muwaadinka si dhaqso ah; Isagoo Maanka ku Haya: Ahmiyadda doorashooyinku ku leeyihiin Qaranka iyo sidii ay u dhici lahayd doorasho xor oo xalaal ah;
Wuxuu halkan ku soo Saaray Xeerkan; Qodobka 1aad Aasaaska Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka Waxaa Xeerkan lagu aasaasay Guddiyada soo socda: Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka (Steering Committee) oo ka kooban: 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye. 2. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin. 3. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga, Xubin. 4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Xubin. 5. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Xubin. 6. Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xubin. 7. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Xubin.
Qodobka 2aad Ujeeddada Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka Ujeeddada Guddida Hogaamintu waa hogaaminta iyo ka midho dhalinta habka diiwaangelinta muwaadinka.
Qodobka 3aad Xilka iyo Waajibaadka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka Xilka iyo waajibaadka Guddida Hogaamintu waa: 1. Dejinta iyo xaqiijinta qorshayaasha Diiwaangelinta Muwaadinka. 2. Ansixinta qorshaha diiwaangelinta. 3. Hagidda iyo daba-galka guddi hawleedka lagu aasaasay Qodobka 1aad ee Xeerkan. 4. Ka-talo bixinta caqabadaha laga yaabo in ay soo food-saarto hawsha diiwaangelinta. 5. Ka-talo bixinta soo saarista Xeerarka, Wareegtooyinka iyo amarrada lagama maarmaanka u ah meel marinta diiwaangelinta.
Qodobka 4aad Aasaaska Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka
Guddi Hawleedka Diiwaangelinta Muwaadinka (Task Force) oo ka kooban:
1. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Guddoomiye. 2. Maareeyaha ICT Commission, Xubin. 3. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Xubin. 4. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Maamul Wanaaga, Xubin. 5. Garyaqaanka Guud ee Qaranka, Xubin. 6. Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Xubin. 7. Dr. Maxamed Cabdi Daa’uud, Xubin.
Qodobka 5aad
Ujeeddada Guddi Hawleedka Ujeeddada Guddi Hawleedku waa meel marinta siyaasada iyo ka midho dhalinta qorshayaasha Guddida Hogaaminta.
Qodobka 6aad Xilka iyo Waajibaadka Guddi Hawleedka Xilka iyo waajibaadka Guddi Hawleedku waa: 1. Fulinta siyaasadda iyo qorshayaasha Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka. 2. Fulinta hawl-maalmeedka Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka. 3. La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hoggaaminta Diiwaangelinta habka ay u socoto Diiwaangelintu. 4. La socodsiinta iyo uga warbixinta Guddida Hogaaminta Diiwaangelinta Muwaadinka caqabadaha farsamo ee soo foodsaari kara hawsha diiwaangelinta iyo soo jeedinta talooyinkooda la xidhiidha caqabadahaa.
Qodobka 7aad Xarunta Guddiyada Labada Guddi waxay ku hawlgalayaan Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo udub-dhaxaad u ah hawsha diiwaangelinta.
Qodobka 8aad Dhawridda Xilliga iyo Nidaamka Guddiyada waxaa la farayaa in hawsha lagu qabto wakhtiga loo qorsheeyey lana raaco Nidaamka Guddida Qandaraasyada Qaranka iyadoo la dhawrayo hanaanka iyo habsami u socodka shaqada.
ALLAA MAHAD LEH
Related posts:DAAWO;-Madax-dhaqameedka Beesha Subeer Awal Oo Ka Hadlay Muranka Siyaasadeed Ee Dalka Ka Taagan, Mad... DAAWO: Dadka Danyar Ah Ee Degan Xaafada Istanbul Ee Magaalada Hargaysa Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay... DAAWO; Barmaamij Dhamaytiran Oo Ku Saabsan Xafladii Xuska 18 may 2015 Ee Magaalada Tog-Wajaale Iyo ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|