Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigay Wadooyin laami ah oo isku xidhi doonta Borama iyo gabiley illaa Saylac. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo dhagax dhigay Wadooyin laami ah oo isku xidhi doonta Borama iyo gabiley illaa Saylac.
March 11, 2014 - Written by Editor:

BORAMA(WAJAALENEWS);Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo maanta safar ugu kicitay  gobolada galbeedka ee Somaliland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey  xarunta gobolka Gabilay ee magaalada Gabilay iyo Gobolka Awdal ee Xaruntii Boorma.

Madaxweynaha Somaliland ayaa mudadii uu ku sugnaa xarunta gobolka Gabilay waxa uu dhagax dhigay waddo 18km ah oo isku xidhi doonta kala Baydh Iyo Dilla.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay dhagax dhiga wadadan ayaa waxa uu sheegay  inay faa,iido balaadhan u leeyihiin bulshada dhismaha lagu samaynayo wadooyinka dalka isaga oo tilmaamay inay xukuumadiisu sii wadi doonto dhismaha waddooyinka waxaanu yidhi “waxaynu ku faanaynaa waddooyinka aynu samaynayno  oo dalkeena iyo dadkeena wax u taraya, insha allah halkaas ayeynu ka sii wadi doonaa wixi kale ee  aynu dadkeena u qabanayno.

sidoo kalemadaxweynaha somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray  waddo isku xidhi doonta Dilla Iyo Boorame taas oo dib u dhis baladhaani ka socday mudooyinkii ugu danbeeye.

Sidoo kale wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oo ka mid ah waftiga madaxweynaha ku wehelinayey safarka uu ugu baxay gobolada galbeedka dalka ayaa waxa uu ka waramay wadadan uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray waxaanu yidhi “madaxweyne halkani waa mashruucii cusbaa ee ay inoogu deeqeen Somaliland development ee ay lacagteeda inoogu deeqeen EU-da, laba meelood ayaanay inaga bixiyeen midina waa tan aynu maanta joogno ta kalana waxa weeyaan Lafa Ruug ilaa Sheekh,.” Ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan

ka dib markii uu madaxweynaha somaliland dhagax dhigay wadada isku xidhaysa kala Baydh IYo Dilla waxa uu gobolka Gabiley u dhaafay dhinaca xarunta gobolka Awdal Ee Boorama, iyada oo safarka uu madaxweynaha somaliland ugu kicitimay gobolada galbeedka dalka ay ku wehelinayaan xubno ka tirsan golaha wasiirada taas oo la filayo in madaxweynuhu uu gaadho gobolka Selel gobolkaas oo aanu marna gaadhin mudadii uu xilka qaranka hayey

WAJAALENEWS DESK

BORAMA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS