Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii Balaadhnaa ee Uu Hogaaminayey Oo Saaka Ku Waabariistey Magaalo Xeebeedka Laasgorey ee Gobolka Sanaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigii Balaadhnaa ee Uu Hogaaminayey Oo Saaka Ku Waabariistey Magaalo Xeebeedka Laasgorey ee Gobolka Sanaag
March 16, 2014 - Written by Editor:

SANAAG(WAJAALENEWS);Weftiga Uu Hoggaaminayey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ,Ayaa Xalay Abbaaro 9 Aalkii Habbeenimo Gaadhay Degmada Maydh Ee Gobolka Sanaag,Halkaasoo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Kuna Sugnaa Ilaa Saaka Aroortii Hore.

Intaa Ka Dib Waxaa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) Iyo Weftiga Uu Hoggaaminayo Oo Socdaal Ku Dheer Ugu Kala Gudbay Gobolada Gabilay,Awdal,Selel,Saaxil,Iyo Sanaag Oo Ay Xilligan Ku Sugan Yihiin, Ayaa Saaka Magaalada Maydh Ugu Sii Gudbay Magaalada Xeebeeda Laasqoray Halkaas Oo Uu Saaka Ku Kalahay.

madaxwynaha somaliland iyo waftigiisu hase yeeshee sida aan wararka ku helayno ayaa sheegay in madaxweynu ku laaban doono magaalada maydh oo ay la hadli doonaan dadwynaha ku dhaqan magaalada meydh taas o sura gal ka dhigi karta inay ilaa caawa halkaas u sii hoydaan
Booqashada madaxweyne siilaanyo ee laasqoray ayaa dhirbaaxo ku ah hanjabaadihii maamulka cusub ee puntland ku sheegan jireen gobolka sanaag barri, sidoo kale waxa ay guul weyn u tahay xukuumadda madaxweyne siilaanyo oo si nabad ah ku tagtay laasqoray oo ku taala xuduuda barri ee somaliland.

Madaxweyne siilaanyo ayaa lagu wadaa inuu goor dhaw ka khudbadeeyo magaalada laasqoray, iyadoo weftiga madaxweyne siilaanyo uu gadh-wadeen ka yahay Wasiirka gaashaandhiga oo dhalasho ahaan ka soo jeeda barriga sanaag.
Goobaha uu booqday ayaa la sheegay in ay kamid tahay Dekadda laasgorey iyo Isbitaalka, waxaana markii dambe uu la hadlay dadweyne aad u tiro o soo dhaweeyey madaxweynaha Somaliland.
Dhanka kale magaalada Ceerigaabo xarunta gobolka Sanaag,ayaa la sheegay in ammaankeeda ay la wareegeen Ciidanka Qaranka Somaliland,ciidankaas oo la sheegay inuu ka tegay deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Lama oga sababta Ceerigaabo ammaankeeda awooda dheeraadka ah loo saaray xilligan oo uu ku soo began yahay Madaxweynaha Somaliland oo hoggaaminaya Wefti aad u balaadhan oo isugu jira Wasiirro ka tirsan.

 

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS