|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Silaanyo iyo weftigii uu hogaaminaayey oo ku guda jira Safarkoodii shaqo ee Gobolada Galbeedka Iyo Soodhawayno uu kala kulmay saylac iyo Dhagax dhigii dekada lughaya
March 12, 2014 - Written by Editor:LUGHAYA (WAJAALENEWS)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii miisaanka lahaa ee uu hogaaminaayey oo ku guda jira Maalintii labaad Socdaalkoodii shaqo ee Gobolada Awdal iyo Selel ayaa saaka waxa uu la quraacday Dadweynaha Magaalada Saylac, kadibna waxa uu madaxweynuhu dhex-lugeeyey Magaalada Saylac, isaga shacbiga reer Saylac kula hadlay goob-fagaare ah, kulankaasi ka dibna madaxweynuhyu waxa uu halkaasi ka sii ambaqaaday socdaalkiisii ahaa u kuurgelida iyo ka warhaynta Shacbi weynaha Gobolada Awdal iyo Selel isaga oo saacadu markay ahayd 1:30PM ku soo beegmay Lughaya oo uu madaxweynuhu kala kulmay soo dhawayn aan loo kala hadhin hadii ay tahay Cuqaal, Sulaadiin, Culimo awdiin, Xildhibaano, Masuuliyiin.
Isaga oo madaxwweynuhu soo dhawayn taasi kadibna dhagax-dhigay Deked ay yeelan doonto Magaalada Lughaya. isagoo madaxwaynuhu sheegay in ay u jeedada dhagax dhiga dekada lughaya ay micneheedu tahay inuu ku galo taariikhda ayna ka midnoqoto wax qabadka xukuumadiisa. Waxa kale oo halkaa ka hadlay masuuliyiin xildhibaano wasiiro iyo wax garad. Intaasi ka dibna waxa Waftiga madaxweynaha hadhimo sharafeed looghu sameeyey Lughaya, ka dibna waxa uu u sii watay Madaxweynuhu Safarkiisii shaqo oo uu kusoo maraya ilaa gobolka saaxil iyo meelo kale oo ka tirsan gobolada somaliland
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|