|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Axmed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday M Burco.
March 23, 2014 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Maxamuud Maxamed Jaamac (Gaadhijiidh) oo ku geeriyooday 23/03.2014, Magaalada Burco. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay tiir muhiim ah oo ka baxay gobolka togdheer iyo guud ahaanba shacbiga Somaliland, waxaanu ka mid ahaa odayaashii ka soo qayb-qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadayntii beelaha Somaliland. Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqa ka siiyo.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Prof Cali Khaliif Iyo Axmed I, Samatar Oo Loo Ogolaaday In Ay Dood Kale Ku Qabtaan Boorama Iyo Wakh... Odayaasha Iyo Ehelada Sarkaalkii Lagu Dilay Lowyo Caddo Oo Sheegay In Aanay Iyaga Matalin Dadkii Ban... Marwo Adna Aadan Oo Jaaliyada Reer Somaliland Ee Dalka Uk Uga Xog Warantay Marxaladihii Uu Dalku Soo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|