Maayarka Magaalada Gabiley oo Xidhay Aadan Muxumed Badde oo Hore Maayar Ugasoo Noqday Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maayarka Magaalada Gabiley oo Xidhay Aadan Muxumed Badde oo Hore Maayar Ugasoo Noqday Gabiley.
March 29, 2014 - Written by Editor:

Gabiley (Wajaale News):- Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta xabsiga u taxaabay maayarkii ugu mudada dheeraa golihii deegaanka Gabiley ee hore Aadan Muxumed Badde, kadib markii uu Aadan isku dayay inuu kala hadlo weriye C/raxmaan Aadan Badde oo maayarka Gabiley ku diray koox dhalinyaro budhcad ah oo la sheegay inuu maayarku u adeegsado saxaafada wax ka qorta.

Maayarkii hore ee golaha deegaanka Gabiley ayaa la laayahay meel uu ku xidhan yahay iyadoo wararku intaa ku darayaan in la geeyay xabsi ku yaala magaalada Arabsiyo oo maayarku Gabiley u isticmaalo dadka isaga siyaasad ahaan ay iskasoo horjeedaan. Xadhiga maayarkii hore ee Gabiley ayay dadka siyaasada gobolka ka faaloodaa la xidhiidhinayaan in maayar Shucayb ay adeegsanayaan wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada Xirsi iyo Samaale

Iyadoo ay wasiiradaasi hore u qorsheeyay siyaasad qaawan oo masuuliyiin reer Gabiley ah sharafta iyo karaamada lagaga rifayo. Dhawaanbay ahayd markii dhalinyarta maayarku adeegsaday koomo galiyeen taliye ku xigeenkii Saldhiga Gabiley isla markaana ahaa ku simaha taliyaha Saldhiga Gabiley, kaasi oo lagu khasbay inuu inamadii dhaawaca gaadhsiiyay cafiyo taasi oo keentay in aakhirkii shaqada laga eryo taliyihii la dilay oo ahaa nin daacad ah oo shaqadiisana ka adaga. Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa lala xidhiidhinayaan inuu isagu isku diray dhalinyaro faro badan oo buux dhaafiyay jeelasha gobolka Gabiley kuwaasi oo iskku dila koox koox gudaha magaalada Gabiley, maayarkuna maal galiyo kooxd ugu awooda badata kooxaha isdilaya. Lama garanayo faa,idada ugu jirta isdilka iyo dadka uu ku dirayo kooxaha uu adeegsanayo.

 Wararka kasoo kordha xadhiga maayarkii hore ee Gabiley Aadan Muxumed Badde iyo halka uu ku xidhan yahay kala soco Shabakada Wararka ee Wajaale News

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

WARIYE AXMED MUXUMED XASAN

 

COMMENTS
LINKS