Ma dhabaa in hagbadii ay mar kaliya isku badashay in la iskugu diro adeega ZAADka-:Wariye Kamaal Sh Ismail | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma dhabaa in hagbadii ay mar kaliya isku badashay in la iskugu diro adeega ZAADka-:Wariye Kamaal Sh Ismail
March 18, 2014 - Written by Editor:

Kadib dhacdo fool xun oo ka dhacday Somaliland gaar ahaan hargaysa ayaa hadal hayntii ugu badnayd noqotay seddexdii todobaad ee aynu soo dhaafnay taasi oo dadkii goob jooga ahaa iyo kuwoo looga sheekeeyayba ay ku noqotay fajac iyo amakaag iyo u qaadan waa, waayo wax hore loo arkay ama loo maqlay may ahayn.

Haddaba waxaa la isweydiiyay maxaa la isku qoonsaday oo uu falkan naxdinta leh uu u dhacay ama sababay dhimashada….waxay noqotay in uu falkani ka dhacay wax dadku uu aad u wada jecel yahay,  nolasha ka sakaw oo inta uu ifka joogo oo aad u jecel yahay in mar walba uu haysto oo ah LACAG, hore ayaa loo yidhi “lacagay dadka kala labeeyaay liitana gargaaray”.

Qofka uu ilaahay siiyo maal waxaa uu illahay ku  eegayaa bal sida uu isticmaalo maalkaa, imtixaanka aduunyo waxaa ugu weyn in lagugu imtixaamo maalkaaga, lacagtu waxay magac iyo meeqaam u samaysaa mid aan waxba ahaan jirin oo  hacoo loogu yeedhi jiray,markay lacag soo gashana lawada daba cararo oo la yidhaahdo hebel ayaa sidaa yidho oo arinkaa dhameeyay.

Haddaba haddaan kusoo noqdo cinwaankan ma dhabaa in hagbadii ay mar kaliya isku badashay in la iskugu diro adeega ZAAD-ka. Arinkan ayaa waxaa ay cashar weyn ay u noqotay dadkii ku jiray hagbadaha oo u badan xaawalayda oo dan mooday in aan lacag danbe oo si ka fool ka fool ah aan la iskugu iman oo lagu kala qaato zaadka wixii ka danbeeyay falkii dhacay bishii hore.

Arinkan ayaa waxaa uu suuq weyn u sameeyay shirkada caanka ah ee Telesom oo adeegeedii Zaadka ahaa uu si xawli ah u shaqeeyay isaga oo meeshii ka saaray lacagtii cadaanka ahayd ee hagbada la iskaga qaadi jiray, iyadoo oo imika hagbadihii ay isku badaleen in la iskugu diro adeeg Zaadka oo si dhib yar uu qofkii u helayo isaga oo aan wakhti ka lumin si dhib yarna loogu soo dirayo, halka markii hore ay gabadha hagbada ururisaa ay soo wareegi jirtay oo ay kasoo qaadi jirtay cidii hagbada kula jirtay.

Si kasbta ha haatee in la ilaaliyo naf iyo maal diinteenaa ina faraysa waa in qofka muslimka ah uu illaaliyo qofka kale maalkii,sharafriisa iyo cirdigiis waa diiniyan waa arin fiican in uu qofku uu daryeelo oo uu dhawro.

Kamaal Sh Ismail Adem

Hargaysa/Somalialnd

Shihaab25@Hotmail.Com

COMMENTS
LINKS