Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley Oo Dowlada Itoobiya Ku Wareejiyay Tahriibayaal U Dhashey Wadankaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laanta Socdaalka Tog-Wajaale ee Gobolka Gabiley Oo Dowlada Itoobiya Ku Wareejiyay Tahriibayaal U Dhashey Wadankaasi
March 5, 2014 - Written by Editor:
WAJAALE (WAJAALENEWS);Tahriibayaashan Itoobiyaanka ah ee Laanta Socdaalka Somaliland ee fadhigeedu yahey Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ay ku wareejiyeen Saraakiisha Dhigooda ah ee Dhinaca Dowlada Itoobiya,ayaa ah inta badan kuwa aan ka beydhin dhinaca Somaliland

Tog-Wajaale(WJN)-Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley, ee fadhigeedu yahay Magaalo Xuduudeeda u dhexeysa Itoobiya iyo Somaliland ee Tog-Wajaale, ayaa Dowlada Itoobiya ku  wareejiyay tahriibayaal u dhashey Wadankaasi  oo tiradoodu  dhantahay 24 qof kuwaasi  oo damacsanaa in ay somaliland sii dhex maraan Islamrkaana, sii gudbaan dhinaca putland  si ay ugu tahriibaan dalalka carabta.
Tahriibayaashan Itoobiyaanka ah ee Laanta Socdaalka Somaliland ee fadhigeedu yahey Magaala Xuduudeeda Tog-Wajaale ay ku wareejiyeen Saraakiisha Dhigooda ah ee Dhinaca Dowlada Itoobiya,ayaa ah inta badan kuwa aan ka beydhin dhinaca Somaliland oo ay bartilmaameedsadaan in ay uga Sii Gudbaan Magaala Xeebeeda Boosaaso ee Cariga Puntland, oo doonyo koonatrabaan ah lagaga qaado.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley (Gaashaanle) Cabdirashiid Xaaji Axmed Xasan, oo Wajaalenews uga Warameytahriibayaashan ay gacnata ka galiyeen Dowlada Itoobiya ee u dhashey dalkaasi, ayaa Sheegay in Laga Soo Qabqabtey tahriibayaashan Kaantaroolka Caasimada Hargeysa, halka kuwa kalena laga soo qabqabtey jidadka u dhexeeya Kalabeydh iyo Tog-Wajaale oo ay inta badan ku maraan Socod lug oo malagii galey.

Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley oo ka waramaya tahriibayaashani waxa uu yidhi.
“Sidaad arkaysaan waxaanu  ku wareejinay  dawlada ethiopia xafiiskeeda socdaalka wajaale tahriibayaal Itoobiyaan ah kuwaasi oo laga soo qabtay qaar ka mid ah kaanta roolka Caasimada Hargeysa ayna soo qabteen ciidanka Socdaalka Xarunta Hargeysa halka aanu qaar ka mid ahna ka soo qaqabanay  Tog-Wajaale ilaa Kalabaydh inta u dhaxaysa iyaga oo sii lugaynaya dhamaantoodna waxaanu ku wareejinay, dawladoodii  kuwa laga soo qabtay duleedka Caasimada Somaliland ee Hargeysa waxaa siday laba baabuur oo somaliland ah kuwaasi oo sifo sharci daro ah ku galinaayay Dalka somaliland sidaasi daraadeed labadii darawal iyo labadoodii baabuurba waanu xidhnay sharciga ayaana  horgaynaynaa si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan waayo waxaa ay  ku xad gudbeen Xeerka Socdaalka Somaliland ee Xeer 72  qodobkiisa 37 waxaana ay mutaysan doonaan xadhig iyo ganaax culus, labadaba”Ayuu yidhi Taliyuhu.
Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley ee fadhigoodu yahey Xarunta Tog-Wajaale ee Xuduuda Somaliland, isagoo faafaahin ka bixinayay sida ay ula dhaqmaan Tahriibayaasha labada dal ee kuwa Dhinaca Somaliland ka tahriibaya iyo kuwan Itoobiyaanka ah waxa uu yidhi.
“Waa run oo waxaanu maalin kasta la tacaalaa tahriibayaal kala duwan oo aanu ka qabano Xuduuda iyo kuwa Ciidankayagu soo qabtaanba, Kuwa Itoobiyaan ah sida Kuwan Maanta oo kale iyo kuwo u dhashey dalka  somaliland oo Muwaadiniinteenii  ahba waananu la dagaalanaa dhamaan tahriibayaasha, Waxaan halkan digniin u marinayaa dhamaan wada yaasha Gaadiidka ukala goosha Tog-Wajaale  ilaa Hargeysa waxaanan leeyahay darawalka lagu soo qabto sifo sharci daro ah dalka ugalinaaya waxaa uu mutaysan doonaa xadhig iyo ganaax culus sidoo kale waxaan uga digayaa in ay  somaliland ka soo qaadaan dhalinyarada somalilanderka ah ee tahriibaysa waayo waxaa dhacda in ay soo qaadaan dhalinyaro aad u da,yar oo aan cidi wadin,Waxaan halkan uga gudbinayaa Gudida ka hortaga Tahriibtu anagoo codsi u direyna in ay Laanta Socdaalka kala Shaqeeyaan ladagaalanka Tahriibta oo ay ficil muujiyaan, oo dedaal badan Sameeyaan”Ayuu hadalkiisa Kusoo Gunaanadey.
Ma aha Markii ugu horeysay ee Tahriibayaal Noocan oo kale ah Loo Dhiibo Dalkooda gaar ahaan Dowlada Itoobiya, oo Laanta Socdaalka Somaliland ugudbisey, waxaanay dhacdaa inta badan in labada dhinacba maalin walba tiro tahriibayaal ah laga Soo Qabto, walow ay xiligan Dhinaca Somaliland ka tahriibaan Dhalinyar aad u da yari.
WAJAALENEWS DESK
WAJAALE OFFICE
EMAIL;wajalenews@gmail.com
COMMENTS
LINKS