Kulan lagu Gorfaynayey Xeerka Aasaaska Sanduuqa Dhalinyarada oo Hargeysa lagu soo gabogabeyey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan lagu Gorfaynayey Xeerka Aasaaska Sanduuqa Dhalinyarada oo Hargeysa lagu soo gabogabeyey
March 16, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA(Wajaalenews);Kulan Labba Maalmood Socday oo lagu Gorfeynayey Xeerka Aasaaska Sanduuqa Horumarinta Dhalinyarada ayaa Maanta lagu soo gabo gabeeyey  Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa , Kulankaasi ayaa Wax soo xidhay Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Md. Maxamed Xusseen Dhabeeye, waxana Maalgalisay hay’ada USAID, halka ay ka soo qabanqaabiyeen Hay’ada Mercy Corps Iyo Dallada Sonyo, kulankaasi ayaa wax laysla meel dhigay qodob muhiim oo ku saabsan Hanaanka Sanduuqaasi lagu maamulidoono iyo xeerka hagidoona Gudida Sanduuqaasi loo xilsaro.

Agaasimaha Guud ee Wasarada Dhalinyarada Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye oo kulankaasi hadalo dhiirigalin ah ka jeediyey ayaa wax uu sheegay in sanduuqani yahay mid dhalinyarada reer Somaliland iska leeyihiin oo loogu tallo galay in lagu kobciyo dhaqaalahooda si ay isku filnaan u gaadhan, wax kale oo uu sheegay in xukumada madaxweyne Siilaanyo diyaar u tahay dhiirigalinta dhalinyarada dalka isaga oo guul weyn ku tilmaamay in Madaxweynuhu lacagtii ugu horeysay uu ku yabooho taasina waxay ka turjumaysaa ayuu yidhi sida Xukumadu heeganka ugu jirto in ay caawiso dhalinta wadanka, wax kale oo uu mahad naq balaadhan u jeediyey Xubnihii iyo Hay’adihii ka qaybqaatay kulankaasi qabsoomidiisa, wax kale oo uu soo dhaweyey Qodobada laga soo saaray Kulankaasi Labbada cisho Socday.

Agaasimaha Guud ee Dallada Sonyo Siciid Maxamed Axmed oo isaguna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay Qiimaha uu kulankankaasi lagu gorfeynayey hanaanka uu u shaqeyndoono sanduuqa horumarinta dhalinyarada, isaga oo sheegay in guul weyn u tahay Somaliland in dhalinyaradeedu yeelato sanduuq ugaar ah oo wixii baahiyahooda ah lagu daboolo.

 

Cali Maxamed Jaamac oo ka socday Hay’ada Mercy Corp oo soo qabanqaabisay Kulankaasi ayaa wax uu sheegay in Muhiimad weyn uu lahaa kulankan mudda Labba cisho socday isaga oo tilmaamay in hay’adoodu mar walba u taagan tahay dhiirigalinta iyo wax la qabashada dhalinyarada Somaliland, sidaasi darteedna ay garab taagan yihiin Sanduuqaasi loo sameyey dhalinyarada Dalka, isaga oo xusay in wixii ay tabarucaad ah ee ay hayaan ay ku daridoonan, wax kale oo uu ka hadlay waxqabad baddan oo hay’ada Mercy Corp ay ka qabatay dhanka waxbarashada iyo Dhalinyaradaba.

Wax kale oo iyaguna hadalo kala Duwan ka jeediyey Kulankaasi Xubnihii faaqidayey xeerkaasi loo Sameyndoono Sanduuqa Horumarinta dhalinyarada Somaliland kuwaasi oo isku jiray Aqoonyahano ka kala socday ururo, Jaamacado, iyo Garyaqaano ku xeel dheer Sameeynta xeerarka.

Wax kale oo iyaguna halkaasi hadalo ka jeediyey Masuuliyiin ka kala Socday Shirkadaha Dahabshiil iyo Telsom waxayna Balanqaadeen in wixii Itaalkooda ah ay la qaban doonan dhalinyarada gaar ahaan qaybtooda ka qaadanayaan Sanduqaasi qaadhanka loo ururinayo

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

EMAIL;wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS