Khamiislaha Boobe: Hadal-Haynta Maalmahan: Tirsiga 6aad “Timir Laf Baa Ku Jirta” (Dhulka Iyo Maammulladii U Kala Dambeeyay) “Wadaamaha La Dawdabay, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khamiislaha Boobe: Hadal-Haynta Maalmahan: Tirsiga 6aad “Timir Laf Baa Ku Jirta” (Dhulka Iyo Maammulladii U Kala Dambeeyay) “Wadaamaha La Dawdabay,
March 20, 2014 - Written by Editor:

HARGEISA( WAJAALENEWS);Hadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 6aad

“Timir laf baa ku jirta”

(Dhulka iyo maammulladii u kala dambeeyay)

New Picture (3)

“Wadaamaha la dawdabay,

Danyartay ka maqan tahay,

Raacdadu ma daallana,

Dorraad iyo shalay-jire,

Doorka maanta noo jire,

Dib-u-jire hadhow-jire,

Ninba weel u daray baa,

Deyn loogu leeyahay,

Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu duug ma leh,”

 

Maansadii ‘Awrka dooh ma lagu yidhi’, Deelleey, Cabdi Iidaan Faarax, 1980kii

boobe2

cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

21/3/2014ka, Hargeysa

Waxba araaran meynno. 18kii Meey, 1991kii ayaa lagu dhawaaqay Jamhuuriyadda Somaliland. Madashu waxay ahayd Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM. Xukuumaddii ayaa halkaa lagu dhisay. Laba sannadood oo ku-meel-gaadh ayaa taladii dalka loo dhiibay SNM, sidaana waxa Madaxweyne ku noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur).

 

Laba sannadood oo aad u adkaa ayuu xilka hayay. Dagaallo sokeeye ayaa dalka sadheeyay. Hay’adihii qaran oo dhammi waa ay burbursanaayeen. Nidaamka cashuuruhu ma jirin, xukuumadduna waa ay faro-madhnayd. Xataa wax xeerar la yidhaahdo ayaan dalka ka jirin. Burburkii loogu yimid ayaa taagnaa. Haddana waqtigaas oo waqti ka adagi aanu ina soo marin Madaxweyne Cabdiraxmaan iyo maamulkiisii waa ay ka sarriigteen in ay dhul iyo daaro midnaba iibiyaan ama qaataanba. Waa ay ka dhowrsadeen oo xataa guri kama uu gelin maanta la leeyahay Cabdiraxmaan Tuur ayaa qabsaday, sida immika dadka qaarkii halhayska u noqotay ama lagu faanaba.

Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal

 

Dhul-boobka iyo daaro-dhisku dhaqan iyo dhalan midna uma ay ahayn, Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Wuxu ahaa siyaasi ruug-caddaa ah oo ay siyaassaddu dhiig iyo dhuuxba raacday. Balwaddiisa ayaa ahayd fanka iyo farshaxanka hay’ad ama qaran-dhiska. Nin adduun isku hawla ma ahayn, dhul iyo aqallo uu distana hadalkooda daa. Dhulkiisii iyo daarihiisii dunsanaa ee dayacnaa ayaanu dib u jalleecin oo iyaga oo sidii ah kaga dhintay. Adduun uu dad siiyo la arag, bal se naftiisa iyo reerkiisuba waa ay ka qatanaayeen.

 

Maamulkii Mudane Daahir Ra’yaale Kaahin

 

Intii hore ee uu xilka hayay waa uu ka dhowrsaday ku-takri-falka dhulka iyo guryaha dawladda. Nasiib-darro dabo-yaaqadii maamulkiisa wuxu ku ceeboobay boobkii dhulka ee ka dhacay degaankii loo yaqaannay Hindiya Laynka. Intii ka horreysay guryo ama dhul uu bixiyay waa la sheegi jiray laakiin wax sidaa u buuran ma ahayn. Sannadihii ugu dambeeyay ee uu xilka wareejinayay wax yar ka hor ayuu wada fasaxay degaankii iyo guryihii Hindiya Laynka oo sifo dahsoon oo aan muuqan lagu iibiyay, hantidii ka soo baxdayna meel ay martay aan la arag. Markii ugu horreysay taariikhda Somaliland ayay warbaahinta si xooggan u soo gasahy in maamulkaasi guryo ka iibsaday dalal dibadeed.

 

Maamulkan  Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

 

Maamulkani debecsanaan badan ayuu ka muujiyay ku-takri-falka dhulka iyo guryaha dawladda. Wuxu gaadhay heer uu Madaxweyne Siilaanyo ku soo saaro wareegto ku suntan: JSL/M/XERM/249-2314/032014, oo ku magacaaban Dib-u-soo Celinta Gacan Ku Haynta iyo Ku-tasarrufka Dhulka iyo Guryaha Dawladda.

 

Madaxweynuhu isaga oo Qodobbo Dastuurka ah iyo daraasadaba cuskanaya: Wuxuu soo saaray Xeerkan oo uu ku go’aamiyey:

 

In guryaha aanay dawladdu gacanta ku haynin:

– lagu soo celiyo dawladda,

– In aan mag-dhow loo celin qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhalan-rogay ama wax ugu kordhiyay guryaha dawladda,

– In qof kasta oo si aan sharciga waafaqsanayn u dhistay dhul bannaan oo shacab-eeriya ah uu bixiyo qiimaha u dhigma dhulka uu dhistay ama dawladdu u celiso qiimaha dhismaha ka galay,

– In aan waddooyinka iyo goobaha adeega guud loogu talo-galay sinaba loogu mulkiyi karin lahaansho gaar ahaaneed,

– In qofkii dumiyey dhisme dawladeed lagula xisaabtamo magdhawgiisa,

– In la asteeyo lana xadido Guryaha dawladda iyo dhulka shacab-eeriya ee aan looga maarmayn danta guud ee Qaranka,

 

3. In la iibiyo Guryaha Dawladda iyo dhulka Shacab-eeriya ee aan loo isticmaalin danta guud ee Qaranka laguna shubo Khasnadda Dawladda.

Wareegtadan Madaxweynuhu waxba kama sheegayso dadka dhulka iyo guryaha dawladda iibsaday. Waxay ka hadlaysaa dadka dhistay, dadka dhalan-rogay, qofka dumiyay, qofka mulkiyay iyo waxyaabo la mid ah.

 

Bal hadda u fiirsada marka wareegtadan lagu oggolaado ama lagu fasaxo in la iibiyo dhulka iyo guryaha dawladda ee shacabka ku yaalla muranka ka dhalan kara iyo xaq-darrada ka soo bixi karta. Waa hanti ummadeed oo loo siman yahay. Wax maanta bannaan oo dhul ah oo aan luuqyo ahaynina ma jiro, wixii xigaaba waa wareer aan loo taag hayn oo halkaa ka dhasha.

 

Murankaa dhulku waa ka afka isu geliyay Wasaaraddii Hawlaha Guud iyo Golayaashii Deegaanka. Waxa hore looga cabanayay: Xukuumadda oo looga tag la’ yahay: Xeer-dejintii iyo Garsoorkii. Maanta waxay maraysaa Dawladihii Hoose iyo Golayaashii Hoose ee la soo doortay.

 

Waxay ila tahay in saxeexa Madaxweynaha looga roon yahay in lagu qoro “Dhul dawladeed waa la iibin karaa.”

 

Hindiya laynkii ayaynu haynaye, hammaynu shacabkaa la iibin karaa isku ogeynba. Miyaanay mid subxaanalla ahayn iyo awrkii la sheegi jiray ee heeryadiisa cunay.

 

Madaxeynaha ummaddu dooratay miyaanay ag joogin cid nasteex ah oo saxeexyada qaarkood kala talisa ama ka qabataa.

 

Dhammaad, waa ino tirsiga dambe 7aad, haddii Eebbe idmo.

COMMENTS
LINKS