|
|||||
WAJAALE NEWS
ISQABQABSIGA WASIIRADA IYO AGAASIMAYAASHU WAXAY HORSEEDAY XAFIISYADII DAWLADA OO XIDHMAY,’ KA WARLA.AANTA MADAXWAYNE SIILAANYO( FAALO)
March 10, 2014 - Written by Editor:Xukuumada madaxwayne siilaanyo hogaamiyo ayaa hada maraysa mudo afarsano ah iyadoo lakowsatay moran shaqo oo ka dhaxeeya wasiirada iyo agaasimayaasha guud oo labada madaxwaynuhu kuwado magacaabo digtoyto isku mida;HARGEISA(WAJAALENEWS);Marka dibloo milicsado mudo xileedaa ay xukuumadanai xilka haysay ayaa waxa kasoo baxaya galdalooloyin ka turjumaya kala daad sanaanta ka muuqata wada shaqaytii u dhaxaysay wasiirada.iyo agaasimayaasha guud ee wasaaradaha iyagoo agaasimayaashu ah ubucda shaqo eek ala wada xafiisyada dawlada, Maranka ragaadiayay shaqadii qaran kuma koobna wasiirada iyo agaasimayaasha guud ee waxaa is haysta dhaman qaybaha ay ka kooban tahay xukuumada madaxwayne siilaanyo soo dhisay hadaad milicsato qaybaha ishaysta waxaa ugu waawayn 1; Wasiirada iyo Agaasimayaashooda 2; Taliyaha ciidanka iyo Abaanduulihii 3;madaxwaynaha iyo wasiiradiisii uu isagu magacabay Iyadoo laga duulayo awoodaha maamul ee qaybaha dawlada ayaa gabi ahaanba isku murugsan ilaa madaxwaynihii magaacabay ayay wasiiradiisii ishaystaan, isqabqabsiga xukuumada ayaa dhamaanba curyamiyay adeegii bulshadu ugu baahnay xafiisyada dawlada, Hadii aynu dib umilicsano kala daadsanaanta ,moranka ,hadheeyay dawlada ayaa dadka wax saadaaliaya waxay ku tilmaaman dabac kaimid xaga hogaanka xukuumada siilanyo oo isagu gadhwadeen ka ah dalka oodhan, meelaha moranku ragaadiyay waxa kamida wasaaradaha qaarkood iyo uu huursan yahay morankoodu oo aan dibada u soo bixin lakiin ay wasiiradii shaqadii xuurtaysteen Bal aynu hoos u eegno wasirada iyo agaasimayaasha ishaysta ee aan wali xalka loo helin; A;Wasiirka wasaarada cadaalada xuseen axmed caydiid iyo AGaasimihii wasaarada ABiib aw axmed oo mudo ishaystay wali aan xal laga gaadhin, iyadoo wasiirku ku tarki falay awoodii wasaarada arintaa oo sobobtay in ay kala fogaadaan garsoorkii dalka iyo xukuumadu oo ay xidhiidhinaysay wasaarada cadaaladu oo wasiirku ku jiray gudida cadaalada, uuna ka gaabiyay inuu saxo wixii ka qaldama iyoga iyo xukuumada inuu isku soo dhaweeyo, halkaana waxaa ka soo baxday wasiirka cadaaladu ku haftay shaqdii wasarada ee uu isku koobay. Boogna ku noqotay xukuumada siilaanyo walina aan dawo loohelin, B;WASIIRKA DIINTA IYO AWQAFTA IYO AGAASIMIHIIGUUD EE WASAARADA OO MUDO FIINTU KALA DHEXMIRANAYSO. Wasaarada diinta iyo awqaafta oo ah wasarada hawlo badan u qaban lahayd dalka islamrkaana looga baahan yahay inay dadka ka wacyi galiso dhaqan xumada .samuuliyada diinta cidii wax khaldan dhexwada ka war helidooda ayaa waxa ragaadiyay moron maamul oo aan wali dawo loo helin ,shaqadii waraadana waxaa la tacaalaya gudida wanag frista iyo xumaan reebista oo ah odoyaal iyagu isxilqaamay cidii hawsha loodirayna iyagii ishayta madaxwaynihii ladoortayna aanu hoosba u eegin dhibta kala haysta masuuliyiitii uu u igmaday;;;;;;; C;Wasiirka wasaarada kaluumaysiga maxamed jaamac abgaal iyo agaasimaha guud e wasaarada maxamed cilmi(ilkacase) oo iyaguna iSla murugsan mudoba khilaafkoodiina dusha laga dhayayo marba laleeyahay isma haysano iyadoo oo ay muqato khlaafka dhexyaala oo ragaadiyay wasaaradii kaluumaysiga ceebtanu waa mid dul hogonaysa madaxwayne siilaanyo xukuumadiisa isagiina aan qaadanin goaan madaxwayne ee aadmoodo inuu daawanayo amaba dalkaba ka maqan yahay , D;Wasiirka Wasaarada caafimaadka dr Xaglatoosiye iyo agaasimihi wasaarada caafimaadka dr,cismaan oo iyagana morankoodu soo ifbaxyo maalmahan taasina ay sobobtay in ay xagaldaacdo dardargalin uu waday wasiirka caafimaadku kuna soo kormeeray dhaamaan dalka oo dhan taasi ay ku diirsadeen guud ahaan bulshada reer Somaliland C;TILIYIHII CIIDAMADA QARANKA SAREYE GAAS ISMAIL SHAQALE IYO ABANDUULIHII CIIDANKA QARANKA SOMALILAND ,BRIG. CABDILAAHI XAAJI(CALAS) Oo mudaba morankoodu taagnaa islamrkaan madaxwaynekuxigeenku isku dayay inuu xaliyo gudina u saaray, lakin arintoodii noqotay hal bacaad lagu lisay sidiina khilafkii yahay saamayna ku yeelatay habsami u socodkii hawlaha ciidamada Somaliland oo ah xoogii dalku ku faano; QAYBAHA IS HAYSTA EE AYNU KOR KU XUSNAY WAXAY KAMID YIHIIN MEELAHA KHILAFKOODU DIBADA U SOO BAXAY, WAXA KALOO JIRA WASAARADO AY AGASIMAYASHU YIHIIN MAGACUUN SHAQADI WASIIRADU XURTAYSTEEN ,WASARADAHAASI OO AADMOODO INUU QOFLEE YAHAY HALSAACNA AANAD KA HELAY WASIIRKA MARKA UU YIMAADANA XAFIISKAN UUN HOOSTA KA XIDHANAYO Hadii aad hawli kaa gasho wasaarada maaliyada, wasaarada waxbashada. Wasaarada beeraha, dhaman wasaaradahan waxaad arkaysaa agaasimihii oo fadhiya dadkuna u baahan yihiin in loo dhameeyo hawlo lakiin aan waxba saxeexi Karin ,marka ay kursiga ku caajisaana xafiiska geemku dhex ciyaaro oo moodo bilaa camal, bal hoos u eega goobahaasi oo dhan,
LASOCO QORAALO KU SAAMSAN MUQAAlKA DHABTA AH EE XAFISYADA DAWLADA IYO WAR LA,AANTA SIILANYO INAGOO SICAD U EEGI DOONA XAALADAHA KA JIRA JAHA WAREERKA HAYSTA BULSHADA IYO DIB U DHACA KU YIMID HANAANKII DAWLADNIMO WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE EMAIL;wajalenews@gmail.com Related posts:DAAWO; Xaalada Nololeed Ee Ay Ku Sugan Yihiin Caruurta Darbi Jiifka Magaalada Hargaysa Oo Wehel Ka ... Qaramada Midoobay Oo Saadaalinaysa In Colaadda Suuriya Oo Sii Socotaa Yurub Ku Keenayso Qaxoonti La ... Prof; Cabdisalaan Yaasiin Oo Sheegay In Biyaha Dawlada Jabuuti Kala Soo Baxayso Xeebta Somaliland Uu... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|